Last Updated on August 9, 2024 by Taariikh24
Maalintii ay taariikhdu aheyd 15 agoosto 2021 kuna beegnayd (7 Muxarram 1443) ayey Taalibaan mar kale dib u la wareegen qeybo ka mid ah caasimadda Afghanistan ee Kabul xilli ay soo qabsadeen inta badan dhulka Afghanistan iyagoo gudaha u galey madaxtooyada wadanka iyagoo ka dhex akhriyey
(“أذَا جَاءَ نَصْرُ اللَّهِ وَالْفَتْحُ”)
waxay dagaal socdey muddo 20 sano ah kula jireen dowladda mareykanka iyo xulufadiisa oo dalkaasi xoog ku qabsadey sanadkii 2001 xilligaa oo ay Taliban xilka hayeen, waxay mareykanka iyo xulufadiisa xilkii ka tuureen dowladdii islaamiga aheyd ee Taliban ay dhisteen 1996.
Maxay yihiin ururka Taalibaan?
Taliban waxaa aasaasey ardeydii dhiganaysay iskuuladii diiniga ahaa ee ku yaaley magaalada Qandahar ee koonfur galbeed dalka Afghanistan una dhow xuduuda Pakistan sanadkii 1994 waxaana aasaasay Mullah Mohamed Omar mujahid oo noolaa 1959 ilaa 2013.
Magaca Taliban marka loo fasiro luuqadda Pashto oo ah luuqadda looga hadlo dalka micneheedu waa ardey, luuliyo 1994 ayey soo ifbaxeen markii 53 ardeyda ka mid ah ay ku kulmeen meesha loo yaqaan Shanjsaar magaalada Qandahar. qowmiyadda Pashtun ayaa ah qowmiyadda ugu badan kooxda Taliban waana qowmiyadda ugu badan dalka Afghanistan.
Taliban waa islaami sunni ah waxayna heystaan mad’habka xanafiyada waxayna aaminsanyihiin in aan Afghanistan lagu maamuli Karin fikrad ka duwan tan iyaga aaminsanyihiin, aasaaska Taliban waxaa la sheegaa in ay ka dambeeyeen sirdoonka Pakistan balse Taliban ayaa beeniyey.
Agoosto 1994 waxay hogaamiye udoorteen Mullah Mohamed Omar waxayna ballan kula galeen in ay hubka aruurin doonaan soona celin doonaan amniga iyo degenaanshaha dalka oo markaa dagaalo sokeeye ku jirey.
Muddo bilooyin gudohood ayaa waxaa kusoo biirey 15000 oo ardey ah oo u badnaa ardeydii qaxootiga ku ahaa dalka Pakistan, Isla markiiba waxay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan magaalada Qandahar iyo deegaanada hoostaga.
Qabsashadii koowaad ee xukunka
Janaayo 1995 waxay gacanta ku dhigeen magaalada Ghazni iyagoo kala wareegey Qulba Diin Xikmatiyaar, 21/February 1995 madaxii culimada Pakistan Mawlawi Fadlu Raxmaan ayaa ka dalbadey madaxweyne Burhaanu Diin in uu hubka iyo awooda ku wareejiyo kooxda Taliban.
Taliban Waxay ku duuleen Ismail khan oo xukumayey galbeedka Afghanistan waxayna ku guuleysteen in ay la wareegaan magaalada Herat 5 September 1995, waxayna hareereeyeen magaalada kaabuul ee caasimadda dalka iyagoo gantaallo ku garaacey wadooyinkii soo galayeyna xirey.
Magaalada waxaa isku hayey markaa Burhaanu Diin Rabani oo ahaa madaxweynihii xilligaa iyo Qulba Diin Xikmatiyaar waxayna ku heshiiyeen 24 may 1995 in uu Qulba Diin noqdo ra’iisul wasaare una midoobaan dagaalka ka dhanka ah Taliban.
27/8/1996 Taliban ayaa qabsatey degmada Azra ee gobolka Logar oo aheyd difaacii ugu adkaa ee laga difaacayey magaalada kaabuul, 26 September 1996 ayey iskaga bexeen magaalada iyagoo aadey dhinaca waqooyi.
27 september 1996 Taliban waxay qabsadeen kaabuul oo ah caasiimadda dalka ka dib bilooyin ay go’doomin ku hayeen iyagoo diley madaxweyne Najiibullaah oo ahaa madaxweynihii shuuciga ahaa, waxayna ku dhawaaqeen imaaradda islaamiga ah ee Afghanistan
Waxay caasimad ka dhigteen magaaladii ay kasoo aasaasmeen ee Qandahar ilaa hadda xarunta Taliban waa magaalada Qandahar waxayna dalka kusoo rogeen xukun adag oo dabaqaya shareecada islaamka, waxaa dowlad ahaan u aqoonsadey 3 dowladood oo islaam ah oo kala ah dowladda Pakistan oo aqoonsatey 24 may 1997, iyo dowladaha Imaaradka iyo Sacuudiga.
Taliban ayaa si adag u hirgaliya shareecada islaamka, qofkii ka horyimaada ayaana ciqaab adag la kulma, dumarka waxaa mamnuuc ka ah in ay socdaan iyagoon la socon qof maxram u ah (waa qof ehelkeeda ah oo aan guursan Karin sida walaal, Aaabe, Adeer IWM), waxay kaloo mamnuuceen muusikada iyo shaneemooyinka, waxay dalka xukumayeen ilaa 2001, ka dib 2001 maxaa dhacay?
Dulaankii Afgaanistaan
11 September 2001 waxaa la weerarey mareykanka weerarkaa oo lagu eedeeyey Kooxda Alqaacida, Taliban waxaa laga codsadey in ay soo dhiibaan Osama bin laden oo kooxdiisa sheegatey weerarkaa, balse Taliban oo saaxiib la aheyd bin laden ayaa diiday in ay dhiibaan maadaama uu mareykanku bixin cadeymo cad oo muujinaya ku lug lahaanshihiisa,
22/September 2001 Imaaratka iyo Sacuudiga ayaa aqoomsigii kala noqdey Taliban ka dib cadaadis uu saarey mareykanka, October 2001 mareykanka iyo dowlado kale ayaa duulaan kus qaadey Afghanistan, 13 November 2001 kaabuul waxay ku dhacdey gacantii isbaheysiga, waxaana la qabtey dagaalyahanno badan oo ka tirsanaa Taliban.
Maarso 2002 Taliban ayaa soo ridey 2 diyaaradood oo uu leeyahay mareykanka, ay 2004 Taliban ayaa weeraro ismiidaamin ah ku qaadey kaabuul, ururka ayaa sii kordhiyay weerarada ismiidaaminta ah 2005 – 2006.
12 may 2007 waxaa la diley taliyihii Taliban u qaabilsanaa dhanka ciidanka oo lagu magacaabi jirey Daadullaah, 19 July 2007 Taliban ayaa degmada ghazni ka qafaashey 23 qof oo u dhashay kuuriyada koonfureed, 2009 ayey aheyd markii ugu xumeyd oo ay ciidamada shisheeye la kulmeen weerero dhiig badan ku daatay.
Xilligaa Taliban waxaa usuuro gashey in ay qabsadaan aagag badan, waxayna weerareen xarumo dowladeed oo ay ka kid ahaayeen wasaaradda cadaaladda, xabsiga dhexe iyo xarumaha amniga iyo milateriga, ciidamada shisheeye ayaa ku dhawaaqey geerida 3000 oo askartooda ah tan iyo markii ay qabsadeen Afghanistan 2001.
2011 weerar lagu qaadey kolonyo ka tirsaneyd qunsuliyadda mareykanka ee Pakistan ayaa lagu diley 2 qof laguna dhaawacay 10 kale.
17 August 2011 weerar ayey ku qaadeen saldhig aad loo ilaaliyo waxayna ku dileen 50 mareykan ah iyagoo dhaawacay 100 kale.
Taliban waxaa hogaaminayey mullah Mohamed Omar 1994 ilaa 2013, Taliban ayaa qirtey dhimashada hogaamiyahooda bishii August 2015, bishii September isla sanadka 2015 waxay hogaamiye u doorteen Akhtar Maxamed Mansuur oo ahaa ku xigeenkii Mullah Omar halka ku xigeenna uu u noqdey Hebatullah Akhundzada.
September 2015 Taliban ayaa qabsadey magaalada istaraatiijiga ah ee Kunduz waxayna aheyd markii ugu horeysay oo ay Taliban qabsadaan magaalo madax tan iyo markii la afgambiyey 2001.
Bishii May 2016 diyaarad uu mareykanku leeyahay ayaa duqeyn ku dishay Akhtar Maxamed Mansuur hogaamiyihii Taliban, weerrarka wuxuu ka dhacay meel u dhaw magaalada Quetta ee gobolka Balochistan ee koonfur galbeed waddanka Pakistan kuna taal xadka Afgaanistaan.
25-kii May 2016 ayaa Taliban waxa ay xaqiijisay in hogaamiyahooda Mullah Akhtar Mansuur dishay diyaarad Ameerikaanku uu leeyahay oo weerrar ku soo qaaday waxaana Hebatullah Akhundzada loo magacaabay inuu hogaamiyo ururka Taliban waana hogaamiyaha xilka haya xilligaan oo ay taalibaan la wareegeen xukunka dalka Afghanistan ka dib markii ay burburtey dowladdii reer galbeedku taageerayey.
Madaxweynihii hore ee mareykanka Donald trump ayaa wadahadal la furey kooxda Taliban kasoo horseedey in 29-kii bishii Febraayo ee 2020-ka ay ku heshiiyaan ugu dambeyn in ciidanka mareykanka uu ka baxo Afghanistan 11 September 2011, halka Taliban ay balan qaadeen in aysan u ogolaan doonin kooxaha loogu yeero argagixisada in ay gabaad ka dhigtaan wadanka Afghanistan.
Tan iyo kowdii May 2021 Taliban ayaa waxa ay sare u qaadeen howlgalladooda milateri ee ka dhanka ah xukuumadda waxaana ay qabsadeen deegaanno ballaaran oo ka tirsan Afghanistan.
Hebatullah Akhundzada
Hebatullah (لمولا هيبة ألله أخوند زاده): waxa uu dhashay 19-kii Oktoobar sanadkii 1967, sida lagu sheegay taariikhdiisa lagu shaaciyay barta internetka ee rasmiga ah ee ururka Taalibaan, Waxa uu ku dhashay degmada Bajway ee gobolka Qandahar, waa Bashtuun reer Nuurzaay ah, aabbihii Mullah Muxamammad Akhund waxa uu ahaa hoggaamiye diineed caan ahaa imaamna ka ahaa masjidka jaamica ah ee Banjwaayi.
Hibatullaah Akhundzaada aabbihii ayuu billowgii cilmiga diinta ka qaatay, hilaadda bilowgii 1980maadkii ayay qoyskoodu u qaxeen magaalada Quetta oo Pakistan ku taalla ka dib markii ay Midowgii Soofiyeetku Afghanistan xoogga ku galeen, halkaa ayuu Hibatullaah ka sii watay barashadii cilmiga iyo axkaamta diinta Islaamka.
Waxaa la rumaysan yahay inuu ka mid yahay xubnihii aasaasay xarakada Taliban waxaana kaaliye dhaw uu u ahaa aasaasihii Taliban Mulah Maxamed Cumar, Akhudnzada waxa uu ka qeybqaatay dagaalladii ka dhanka ahaa xukuumadda Afghanistan ee gacansaarka la laheyd Ruushka ee uu hogaamin jiray Maxamed Nuur Tarqi.
Ugu dambayntii waxa uu isaga baxsaday Afghanistan oo waxa uu galay Pakistan halkaas oo uu ku noolaa xero qaxooti oo ku taal xadka gobolka Baluchistan, dagaalkii Midowga Soofiyeetka looga baxshay Afghanistan ayuu qayb askarinnimo ah ka qaatay.
Markii Taliban qabsadeen dalka Afghanistan, waxay u beddeleen gobolka Farah oo uu mufti u noqday Ciidanka Reebidda Xumaha iyo Faridda Samaha.
Mar dambe ayuu Hibatullaah Qandahar u soo wareegay wuxuuna uu markaa ustaad ka noqday hoy aqooneedkii uu Amiir Mullah Maxamed Cumar laftiisu gacanta ku hayey ee Madrassa la oran jirey, Madrassa waxaa la sheegaa in ay markiiba xaadiri jireen in ka badan 100,000 oo arday.
1996-dii, hogaamiyihii hore ee Taliban Mullah Maxamed Cumar ayaa waxa uu Hebatullah u magacaabay inuu hogaamiyo maxkamadda milateriga ee Kabul, si uu u fuliyo shareecada Islaamka halkaas oo uu ka ciyaaray dowr muhiim ah, sida ay Taliban sheegeen.
30-kii July 2015-tii, Akhundzada waxaa loo magacaabay ku xigeenka hogaamiyaha cusub ee ururkaasi Mullah Akhtar Maxamed Mansuur, kaddib markii la xaqiijiyay inuu dhintay aasaasihii iyo hogaamiyihii ururkaasi Mullah Maxamed Cumar.
22-kii bishii May 2016 waxaa hogaamiyihii Taalibaan Mullah Akhtar Maxamed Mansuur lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo ay fulisay diyaarad dagaal oo Ameerikaan ah, iyadoo weerrarku uu ka dhacay meel u dhaw magaalada Quetta ee gobolka Baluchistan ee koonfur galbeed waddanka Pakistan.
25-kii May 2016 ayaa Taalibaan waxa ay xaqiijisay in hogaamiyahoodii Mullah Akhtar Mansuur lagu dilay diyaarad Ameerikaanku uu leeyahay oo weerrar ku soo qaaday waxaana Akhundzada loo magacaabay inuu hogaamiyo Taliban.
Inta uu hogaaminayay ururka Taliban, Akhundzada waxa uu ururkaasi heshiis nabadeed Mareykanka kula galay waddanka Qatar 29-kii bishii Febraayo ee 2020kii iyadoo Akhundzada uu heshiiskaasi ku tilmaamay “guul wayn” oo ururka u soo hooyatay.
Qaar ka mid ah Hogaamiyaasha Taliban
- Hebatullah Akhundzada (المولا هيبة ألله أخوند زاده): faafahintiisa kor Ayaan kaga soo hadalney.
- Cabdiqani Baraadar: wuxuu ka mid yahay aasaasayaashii kooxda Taliban ay isla aasaaseen mullah Mohamed cumar ee geeriyoodey 2013, wuxuuna ka garab dagaalami jirey mullah cumar wuxuu ku dhashay arzaghaan oo ku taal koorfurta dalka, waxaa loo magacaabey madaxa siyaasadda kooxda ee u fadhiya dalka Qatar wuxuuna hogaaminayey wadahadalladii udhexeeyey iyaga iyo mareykanka.
- Siraaju Diin Xaqaani: waa wiilka mid ka mid ah hogaamiyaashii ugu caansanaa ee la dagaalamey midowgii soofiyeetka, waana madaxa koox ka socota reerkiisa.
Shabakadda Xaqaani ee uu aabihii aasaasey mareykanka wuxuu ku tiriyaa kooxaha argagixisada uu ugu yeero waana kuwa ugu qatarsan kooxda xaqaani waxay ku caan tahay isqarxinta waxayna qaadeen dagaaladii ugu adkaa sanadihii ugu dambeeyey.
4. Mullah Yacquub Mohamed cumar: waa wiilka Maxamed cumar oo ahaa aasaasihii iyo hogaamiyihii ugu horeeyey kooxda Taliban.
Taliban hadda waxay Maamulaan inta badan dhulka Afghanistan oo ay ku jirto caasimadda dalka.
Refernces:-
bbcsomali taariikhda ebatullah Akhundzada
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.