Last Updated on July 21, 2023 by Taariikh24
Xasan sheekh waa madaxweynaha kaliya ee labo mar soomaaliya madaxweyne ka noqdey, waxaa xilka madaxweyne loo doortey markii ugu horeysay 10-kii bishii September ee sanadkii 2012-kii isagoo ka dagey 2017 ka dib markii looga guuleystey doorashadii 7 – February 2017 balse waxaa dib loo doortey doorashadii 15 may 2022 ka dhacdey teendhada afisyooni.
Xasan sheikh wuxuu ku dhashay degmada jalalaqsi ee gobolka hiiraan sanadkii 1955, Waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay magaalada uu kasoo jeedo, halka dugsiga sare iyo jaamacadda ka dhigtay magaalada Muqdisho, oo uu u wareegay.
Waxa uu Xasan Sheikh Maxamuud, shahaadada koowad 1981 ka qaatay Jaamacadda Ummadda asagoo ku takhakhusay Culuumta Farsamada Gacanta. Shahaadada labaad ayuu ka qaatey Maamulka iyo Maareynta sanadkii 1988 Jaamacadda Barkatullah ee horey loogu yaqiinay Jaamacadda Bhopal.
Shaqooyinkiisii ugu horreeyay waxaa ka mid ahaa inuu tababare ka noqday dugsiga farsamada ee Lafoole. Inta badan shaqooyinkiisa waxay ahaayeen wax baridda ama macalinnimada.
Xasan sheikh Maxamuud noloshiisa inteeda badan waxa uu kusoo qaatay shaqada macallinnimada, oo uu iskuullo badan iyo jaamacado wax uga soo dhigay, sida uu ku sheegay khudbaddiisii hadal jeedinta murashaxiinta.
2015 ayaa Barkatullah guddoonsiisay darajada ugu dambeysa (Doctor of Literature) ayada loo aqoonsaday dadaalkiisii dheeraa ee waxbarashada ubadka Soomaaliyeed. Sidoo kale xasan sheikh Maxamuud, Jaamacadda Eastern Mennonite Machadkeeda Nabadda ee Virginia ayuu ka qallin jabiyey arrimaha dhexdhexaadinta, tiiraanyo—bixinta iyo dhismaha xaruumaha nabadda iyo waxbarashada.
Dagaalkii sokeeye markuu qarxay 1991 UNICEF ayuu u noqday Sargaal Waxbarashada kala shaqeeya iyo sidii dib loogu furi lahaa dugsiyadii waxbarashada. Wuxuu UNICEF la shaqeynayey bilowgii 1993 ilaa 1995.
Sanadkii 1999 ayuu Xasan Sheekh Maxamuud wax ka aasaasay Mac’hadda Maamulka iyo Maareynta Horumarinta (SIMAD) oo markii dambe Jaamacad weyn oo hadda saddex iyo labaatan(23) sano jirsatay noqday. Xasan sheikh Maxamuud ilaa 2010 wuxuu ahaa maamulaha Jaamacadda SIMAD.
2011 ayuu Xasan sheikh Maxamuud siyaasadda u xuubsiibtay. Wuxuu dhisay Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta. Xubnaha Xisbiga ayaa u doortay April 2011 in uu hoggaamiyo Xisbiga saddexda (3) sano ee ugu horreysa.
Ka hor inta uusan Madaxweyne ka noqonin Soomaaliya waxa uu ka mid ahaa xubnaha bulshada rayidka, gudaha Soomaaliya ayuuna ka shaqayn jiray intii uu dalku ku jiray burburkii ka dhashay ridistii dowladii Kacaanka.
Marka laga soo tago xirfaddiisa barenimo iyo siyaasadda, sidoo kale waa ganacsade iskiis isu abaabulay.
Bishii August ee sanadkii 2012-kii, Xasan waxa uu xubin ka noqday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo markaas la dhisay.
Xasan waxa uu hoggaanka u qabtay dowladdii ugu horreysay ee Soomaaliya laga hirgeliyay muddo 20 sano ah, taasoo aan ahayn Ku meel Gaar. Dowladihii ka horreeyay ee la dhisay kaddib 1991-kii waxay ahaayeen ku meel gaar, Markii la doortay Madaxweynaha, waxa uu xilka Ra’iisul Wasaraaha u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon, oo ku cusbaa siyaasadda.
12-kii bishii September ee sanadkii 2012-kii, oo ahayd labo maalmood kaddib markii Xasan Sheekh Maxamuud loo dhaariyay xilka Madaxweynaha, ayaa qarax lala eegtay goob uu ku sugnaa.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya shir uu Muqdisho kula yeeshay wafdi ajaaniib ah ayay labo qof oo naftood hurayaal ah isku qarxiyeen hoteelka Jasiira ee ay mas’uuliyiintu ku shirayeen.
Waxyaabaha ugu waaweyn ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa lagu xasuusto waxaa ka mid ah in ay dacwadda muranka Kenya ay galisay badda soomaaliya ay u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).
Diyaar garow kaddib, 13-kii bishii July 2014-kii ayay dowladda Soomaaliya si rasmi ah dacwaddaas u gudbisay Maxkamadda ICJ, halka Kenya laga sugayay inay dhankeeda ka jawaabto.
Sannado kaddib, 12-kii bishii October ee sanadkii 2021-kii ayay garsooreyaasha Maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ee waddanka Netherlands ku dhawaaqday go’aanka kiiska oo ay guusha ku raacday dhinaca Soomaaliya
Ra’iisul wasaarayaashii u la soo shaqeeyey xasan sheikh xilligii uu madaxweynaha ahaa 2012 – 2017
1. Cabdi Faarax Shirdoon 17 October 2012 – 21 December 2013
2. Cabdiwali Sheekh Axmed 21 December 2013 – 24 December 2014
3. Cumar cabdirashiid cali Sharmaarke 24 December 2014 – 8 February 2017
Xasan sheikh muddo xileedkiisa labaad 2022 wuxuu ra’iisul wasaare uu udoortey xamze cabdi barre oo uu magacaabey 15 June 2022, waxaana la ansixiyey June 25, 2022.
Qaar ka mid ah waxyaabihii uu qabtey xasan sheikh muddo xileedkii 2012 – 2017
1. Aqoonsigii uu Maraykanka iyo Beesha Caalamka mar kale aqoonsadeen inay Soomaaliya tahay Dal madax bannaan oo ay u dhammaytiran yihiin haykalkii looga baahnaa Dowlad horay u tallaabsanaysa.
2. 2-badii sano ee ugu horreysay madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la dhisay wasaaradda gashaandhigga, xerada tababarka Nac-nac iyo golaha amniga qaranka Soomaaliyeed. Barnaamijka“high level detection program” oo xilligaas la hirgeliyey waxaa isku soo dhiibay 70 sarkaal oo ay ku jireen Xasan Daahir iyo Atam, waxaana Muqdisho laga qaaday 60 isbaaro.
3. 2-badii sano ee ugu horreysay dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh waxaa Al-shabaab laga qabsaday gobollo badan: Galmudug, waxaa ka mid ahaa: Ceel-buur, wabxo, Sh. Dhexe waxaa ka mid ahaa: Jowhar, Mahadaay iyo Balcad…, Hiiraan: Buulo-burde, Maxaas iyo Jalalaqsi iyo meelo kale, Jubbaland: Waxaa Al-shabaab laga saaray Gedo:, Baar-dheere, Barwaaqo halka Jubbada Hoose laga saaray Kismaayo, Buulogudud, Mugaanbow, Baar Sanguuni iyo meelo kale, Koofur Galbeed: Bay waxaa laga saaray Diin-soor, Halka Bakool laga qabsaday Xudur, Waajid, Tiyeyglow iyo Rabdhuurre, Shabeellada hoose: Wanla-weyn, Baraawe, Marka iyo Qoryooley.
4. 2-badii sano ee ugu horreysay madaxweyne Xasan Sheekh waxaa laga shaqeysiiyey bangiga dhexe, waxaa uu sameeyey miisaaniyaddii ugu horreysay burburkii kaddib oo gaareysa $114,355,852, isaga oo golaha shacabka hor-keenay xisaab-xirka sannad walba.
Qaar hadaladii Xasan sheikh Maxamuud ee sameynta yeeshay
Kani waa mar uu ka hadlayey iscasilaadii taliyihii booliska gobolka banaadir iyo magacaabiddii ilaahey ha u naxariistee farxaan qaroole loo magacaabey taliyaha booliska gobolka banaadir:-
Kanna waa mar uu ka hadlayey taliyaasha ciidanka ay xukumaan u dira in ay isbaaro dhigtaan dadkana dhacaan:-
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.