Wax ka ogow Ururka Xamaas

Last Updated on August 10, 2024 by Taariikh24

Xamaas waa dhaqdhaqaaq islaami ah waana mid ka mid ah labada xisbi ee ugu waaweyn dhulalka Falastiiniyiinta, waxa ay maamulaan in ka badan laba milyan oo falastiiniyiin ah oo ku nool Marinka Gaza, balse kooxdan ayaa caan ku ah iska caabinta hubaysan ay kaga soo horjeedaan Israa’iil.

Magaca dhaqdhaqaaqa Xamaas waxa uu la xidhiidhaa damiirka muwaadinka reer Falastiin gaar ahaan wixii ka dambeeyay intifada 1987, xarakadu waxa ay ku naaloonaysaa shacbiyad aad u weyn tan iyo markii la aasaasay ilaa maanta taas oo ay ugu wacan tahay hadafyada ay ka qaataan ka hortagga gumaysiga Israa’iil.

Xamaas waxaa la aasaasay 1987dii, Xamaas waxay ka soo horjeesteen habka cilmaaniga ah ee Ururka Xoraynta Falastiin (PLO) ee ku wajahan iska hor imaadka Israel iyo Falastiin.

Bishii Oktoobar 2023, Xamaas ayaa weerar lama filaan ah ku qaaday koonfurta dhulka ay Israa’iil haysato, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 1,400 oo qof, tobanaan kalena ay qafaasheen, Israa’iil ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah kooxda iyadoo ka jawaabaysa waxayna tilmaantay in ciidankeedu uu qorsheynayo olole dheer oo lagu baabi’inayo gabi ahaanba ururka xamaas.

Daraasiin dalal ah ayaa Xamaas u aqoonsaday urur argagixiso inkastoo qaarkood ay calaamaddan kaliya ku adeegsadaan garabka milateriga xamaas, Iran ayaa siisa taageero agab iyo dhaqaale, waxaana la sheegay in Turkiga uu gabaad siiyo qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa.

Xisbiga ay xifaaltamaan ee Fatah oo gacanta ku haya ururka xoreynta Falastiin ee PLO isla markaana ka taliya Daanta Galbeed ayaa si rasmi ah uga tanaasulay rabshadaha in kasta oo aysan mar walba ilaalin wacadkaas waqtiyada xiisadaha sare ee Israel iyo Falastiin.

Asalka ururka

Xamaas, oo loo soo gaabiyo Xarakat al-Muqawama al-Islamiya (“Dhaqdhaqaaq iska caabin Islaamiga ah”), waxaa aasaasay Sheekh Axmed Yaasiin oo ahaa wadaad falastiiniyiin ah, bilowgii dabayaaqadii 1960-aadkii, Yaasiin wuxuu wacdiyey oo hawlo samafal ah ka sameeyey Daanta Galbeed iyo Gaza oo labaduba ay Israa’iil qabsatay dagaalkii lixda maalmood socday ee 1967-kii.

Yaasin wuxuu aasaasay Xamaas December 1987 si uu u noqoto cududda siyaasadeed ee Ikhwaanka ee Gaza, sannadkii 1988-kii, Xamaas waxay daabaceen axdiga ururka, wuxuuna ku baaqay in la burburiyo Israa’iil lana dhiso bulsho Islaami ah oo ka jirta Falastiinta taariikhiga ah.

Aasaasayaasha kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah: –

  1. Sheekh Axmed Yaasiin.
  2. Abdul Aziz Al-Rantisi.
  3. Ciise Al-Nashar.
  4. Abdel Fattah Dakhan.
  5. Ibraahim Al-Yazouri.
  6. Maxamed Shamca.
  7. Saalax shexaada.
  8. Xasan Yuusuf
  9. Maxamuud Al-Zahaar

Ururka Xamaas wuxuu ku adkaystay in Falastiin ay tahay waddan Islaami ah oo aan marnaba la isu dhiibi karin dadka aan Muslimka ahayn iyo in dagaalka barakeysan ee lagu doonayo in Falastiin loogala wareego Israa’iil ay tahay waajib diini ah oo saaran Muslimiinta Falastiin, mawqifkani waxa uu keenay in uu iska hor imaad la galo PLO kaas oo 1988kii aqoonsaday xaqa ay Israa’iil u leedahay jiritaanka.

Ururka Hamas ayaa markii ugu horreysay adeegsaday is qarxin bishii Abriil 1993, shan bilood ka hor hoggaamiyihii PLO Yaasir Carafaat iyo ra’iisul wasaarihii Israa’iil Yitzhak Rabin ayaa saxiixay heshiiskii Oslo, heshiiskii taariikhiga ahaa wuxuu asaasay is-xukun xaddidan oo loogu talagalay qaybo ka mid ah Daanta Galbeed iyo Gaza oo hoos timaada hay’ad dhawaan la sameeyay oo la yiraahdo Maamulka Falastiiniyiinta (PA).

Xamaas waxay cambaareeyeen heshiisyadaas sidoo kale waxay PLO iyo Israa’iil is-aqoonsadeen midba midka kale, sannadkii 1997dii, Maraykanku wuxuu Xamaas u aqoonsaday urur argagixiso oo ajnabi ah, dhaqdhaqaaqa wuxuu sii waday inuu hogaamiyo iska caabinta intii lagu jiray intifada labaad.

Weerarradii sii kordhayay Xamaas ee bartilmaameedyada militariga ayaa ku kallifay Israa’iil inay xirto tiro hoggaamiyeyaal Xamaas ah 1989-kii oo uu ku jiro Sheekh Axmed Yaasiin aasaasihii dhaqdhaqaaqa.

Sannadkii 2001dii, xafiiska siyaasadda ayaa xarun cusub ka furtay magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya, Waxay ka guureen 2012, waxayna u guureen magaalada Doha ee dalka Qatar, ka dib markii hoggaanku ku guul daraystay inuu taageero xukuumadda Bashaar Al-Asad ee ka hortagga kacdoonka Suuriya.

Mowqifka nabadda

Laga soo bilaabo aasaaskii, Xamaas waxay diideen gorgortanka ka qaadaya dhul kasta, Kooxdu waxay cambaaraysay heshiiskii nabadeed ee 1993kii ee u dhexeeyay Israa’iil iyo PLO  oo ay weheliyaan kooxda Palestinian Islamic Jihad (PIJ), ka dibna waxay xoojiyeen ololahooda xoreynta iyagoo isticmaalaya i.

PLO iyo Israa’iil waxay kaga jawaabeen tallaabooyin adag inkastoo guddoomiyihii PLO Yaasir Carafaat oo doonayay in Xamaas lagu daro geeddi socodka siyaasadda uu u magacaabay xubno Xamaas ah jagooyin hoggaamineed maamulka Falastiiniyiinta (PA).

Burburkii wadahadaladii nabadeed ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Falastiin bishii Sebtembar 2000 ayaa horseeday kor u kaca rabshadaha oo loo aqoonsaday Aqsā intifada, iska horimaadkaas waxa lagu asteeyay xad rabshado ah oo aan lagu arag intifada ugu horeysay, dhaqdhaqaaqayaasha Xamaas waxay sii kordhiyeen weeraradooda ka dhanka ah Israa’iiliyiinta.

Madaxda xamaas

Dhaqdhaqaaqa ayaa markii hore ka koobnaa ku dhowaad 10 aasaase oo uu hormuud u ahaa shahiid Axmed Yaasiin, ka dibna waxaa la dhisay guddiyo dhowr ah oo hoggaamineed oo loo qeybiyay dhinacyada siyaasadda, ciidamada, amniga iyo warbaahinta.

Madaxda ururka waxaa ka mid ahaa kuwii shahiiday sida Sheekh Axmed Yaasiin, Yaxye Ayyash, Ismaaciil Abuu Shanab, C/casiis Al-Rantisii, Saciid Siyam,  ismaaciil Haniya.

Xamaas waxay leeyihiin hay’ado hoggaamineed oo badan kuwaas oo qabta hawlo siyaasadeed, ciidan iyo bulsho oo kala duwan, siyaasadda guud waxaa dejiya hay’ad wada tashi ah oo inta badan loo yaqaan xafiiska siyaasadda oo ka shaqeysa dibadda, guddiyada maxalliga ah ayaa maamula arrimaha asaasiga ah ee Gaza iyo Daanta Galbeed.

Khaled Meshcal waxa uu qabtay xilka madaxtinimo ee xafiiska siyaasadda Xamaas sannadkii 1996-kii xilligaa oo uu xirnaa sheikh Axmed Yaasiin, waxaanu sii waday xilkiisa ka dib shahiid Sheekh Axmed Yaasiin 23-kii March 2004-tii.

Yaxya Sinwaar ayaa hadda ah madaxa siyaasada isagoo bedelay hogaamiyihii shahiiday ee Ismaciil Haniya, Ismaaciil waxaa lagu dilay Tehran 31 July 2024 , Sinwaar ayaa ka howlgala magaalada Gaza isagoo sidoo kale ah madaxa Xamaar ee Gaza.

Hogaamiyayaasha Xamaas waxa ay saldhig ka dhigteen Qatar ka dib markii ay isku dhaceen martigeliyahoodii hore ee Suuriya markii qaxootiga Falastiiniyiinta ay ka qayb qaateen kacdoonkii 2011 ee sababay dagaalkii sokeeye ee Suuriya.

Qaar ka mid ah saraakiisha sare ee Xamaas ayaa lagu soo waramayaa inay ka howlgalaan xafiisyada kooxda ee Turkiga.

Arrimaha maalinlaha ah ee Gaza ayaa waxaa dusha kala socda Yaxya Sinwaar oo horay u soo noqday madaxa garabka militariga ee Xamaas, waxaana uu labo iyo labaatan sano ku soo qaatay xabsiyada yahuuda isagoo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay afduubka iyo dilka labo askari oo Israel ah.

Waxa uu ka mid ahaa in ka badan kun maxbuus falastiiniyiin ah oo la sii daayay 2011-kii oo lagu beddelay askari Israa’iili ah oo ay haysteen Xamaas, laga soo bilaabo Juun 2021, ra’iisul wasaaraha dhabta ah ee maamulka xamaas ee Gaza waa Issam al-Da’alis.

Marwan Issa iyo Mohammed Deif oo Israil sheegtay in ay duqeyn ku dishay 13 July 2024 ayaa ka taliya garabka militariga ee Xamaas, guutada Izz ad-Din al-Qassam, lama hubo dilka Deif, ciidamada Israel ayaa ku dilay Salah Shehadeh weerar dhanka cirka ah sanadkii 2002-dii, 15 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerarka, Salah Shehadeh wuxuu ahaa hogaamiyihii garabka militeriga 1996 – 2002, ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale dilay Sheekh Ahmed Yaasiin oo ahaa aasaasihii Xamaas sannadkii 2004-tii.

Abu Cubeyda waa afhayeenka guutada Izz ad-Din al-Qassam Brigades garabka millatari ah ururka Xamaas.

afhayeenka garabka militariga xamaas oo ka hadlaya weerarkii 7 oktober 2023

La wareegiddii Gaza

Horraantii 2005 Maxmuud Cabbaas madaxweynaha PA iyo ra’iisul wasaarihii Israa’iil Ariel Sharon ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay colaadda iyadoo Israa’iil ay isku diyaarinaysay inay ciidamadeeda kala baxdo qaar ka mid ah dhulka Falastiiniyiinta, wada xaajood dheer ka dib ururka Xamaas wuxuu ogolaaday xabbad joojinta, inkastoo rabshado goos goos ahi ay sii socdeen, sannadkaas dabayaaqadiisa Israa’iil waxay kala baxday ciidamadii Marinka Gaza.

Xamaas waxaya ahaayeen maamulka dhabta ah ee Gaza tan iyo wax yar ka dib markii Israa’iil ay ka baxday dhulkaas 2005, sannadkii xigay Xamaas waxay ku guuleysteen inta badan kuraasta baarlamaanka PA(Palestinian National Authority) waxayna dhiseen dawlad.

Natiijadii kasoo baxday doorashada ayaa ahayd mid aan aqbali karin ururka Fatax iyo taageerayaashooda reer galbeedka, xisbiga Xamaas waxaa laga saaray awoodda Daanta Galbeed, Qaza dhexdeeda Xamaas waxay ku jebiyeen malleeshiyaadkii Fatax dagaal socday toddobaad gudihiis taasoo keentay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya labada dhul ee Falastiin waa Daanta Galbeed iyo Gaza.

Falastiiniyiintu uma codeeyeen sharci dejin tan iyo 2006-dii, ama madaxweyne ilaa 2008-dii, ra’yi ururin ayaa lagu ogaaday in ka badan kala badh Falastiiniyiinta Gaza iyo Daanta Galbeed ay u codayn doonaan Hamas in ka badan Madaxweynaha PA Mahmoud Abbas, halka saddex-meelood meel oo kaliya Falastiiniyiintu dooran doonaan Cabbaas.

Intaa waxaa dheer, Cabbaas wuxuu si aan xad lahayn dib ugu dhigay doorashooyin qaran oo loo qorsheeyay 2021 isagoo sabab uga dhigaya diidmada Israa’iil ee Falastiiniyiinta ku sugan Bariga Jerusalem inay codeeyaan, in kasta oo kormeerayaashu ay tuhunsan yihiin in Abbas uu ujeeddadiisu ahayd inuu ka hortago guul ay u badan tahay in ay helaan Xamaas.

Colaada xamaas iyo Israel

Laga bilaabo Noofambar 14, 2012, Israa’iil waxay qaadday duqeymo isdaba joog ah oo xagga cirka ah taasoo jawaab u ah kororka tirada gantaallada Qaza laga soo ridayo, madaxii ciidamada Izz al-Diin al-Qassam Ahmed Said Khalil al-Jabari, ayaa lagu dilay weeraradaas.

Xamaas ayaa uga aarsaday weeraro badan oo gantaalo ah oo ay ku qaadeen Israa’iil, colaadduna way sii socotay ilaa ay Israa’iil iyo Xamaas gaadheen heshiis xabbad-joojin ah 21-kii November.

Sannadkii 2014-kii xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Xamaas ayaa sare u kacday kaddib markii saddex dhallinyaro Israa’iili ah lagu waayay Daanta Galbeed 12-kii June, Netanyahu ayaa ku eedeeyay Xamaas inay afduubteen dhallinyarada, wuxuuna wacad ku maray inuusan dambigaas u ogolaan doonin inuu dhaco.

Ciidamada ammaanka Israa’iil ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay Daanta Galbeed si ay u baadigoobayaan wiilasha la la’yahay iyo in ay la dagaalamaan xubnaha Xamaas iyo kooxaha kale ee mintidka ah, dhowr boqol oo falastiiniyiin ah oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin mintidiinta ayaa la xiray oo ay ku jiraan dhowr hoggaamiye oo Xamaas ah oo ku sugnaa Daanta Galbeed.

Bishii Juun 30-keedii wiilasha ayaa meydkooda laga helay Daanta Galbeed oo ka baxsan Xebroon.

Marinka Qaza jawiga xiisadda kacsan ayaa horseeday kororka weerarrada gantaallada ah ee Israa’iil ay ku qaadayaan PIJ iyo mintidiin kale ee Falastiiniyiin ah kuwaasi waxay ahaayeen kuwo aan badnayn ilaa xabbad joojintii 2012, laakiin dabayaaqadii Juun 2014 gantaallada la riday iyo aargoosiga Israa’iil waxay noqdeen dhacdo maalinle ah.

Israa’iil waxay bilowday weerar ballaaran oo ay ku qaaday marinka Qaza iyadoo adeegsanaysa duqeymo xagga hawada ah, gantaalo iyo madaafiic si ay u burburiso bartilmaameedyo kala duwan oo ay sheegtay in lala xiriirinayo dhaqdhaqaaqyada mintidiinta.

Ka dib markii in ka badan todobaad oo duqeyn ah ay ku guuldareysteen inay joojiyaan gantaalada ka imaanaya Marinka Gaza, ciidamada Israel ayaa bilaabay weerar dhulka ah si ay u burburiyaan godadka dhulka hoostiisa ah iyo qaybaha kale ee kaabayaasha xagjiriinta.

Horaantii bishii Agoosto 2014 ayaa hogaamiyayaasha Israa’iil ay ku dhawaaqeen in howlgalkii dhulka uu ka soo baxay howshii loo igmaday waxaana ciidamada Israa’iil iyo taangiyo ay dib uga laabteen marinka Qaza.

Duqeymaha cirka ee Israa’iil ayaa sii socday, si la mid ah gantaallo iyo madaafiic lagu weeraray Israa’iil oo laga soo ridayey marinka Qaza.

Bishii Maajo 2021 xiisadda magaalada Quddus ayaa sii kululaatay waxayna horseeday rabshadihii ugu weynaa tan iyo 2014, kaddib isku dhacyo dhexmaray booliiska Israa’iil iyo dibadbaxayaal falastiiniyiin ah oo ay boqolaal qof ku dhaawacmeen, Xamaas waxay gantaallo ku garaaceen magaalada Jerusalem iyo koonfurta iyo bartamaha dhulka la heysto taasoo keentay in Israa’iil ay kaga jawaabto duqeymo.

Ka dib 11 maalmood oo dagaal ah, Xamaas iyo Israa’iil waxay gaadheen xabbad joojin.

Sannadkii 2022, iyadoo Israa’iil ay duullaan ku qaaday Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza si ay u beegsato mintidiinta, Xamaas waxay ka gaabsadeen inay sii kordhiyaan iska horimaadyada ka socday gudaha iyo hareeraha marinka Qaza.

Kormeerayaal badan oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamada difaaca Israa’iil ayaa aaminsan in Xamaas ay diiradda saareen maamulka Marinka Gaza oo aysan diyaar u ahayn iska horimaad weyn laakiin Oktoobar 7, 2023, Xamaas waxay qaadday weerar dhulka, badda iyo cirka oo isku dubaridan oo lama filaan ku noqotay Israa’iil.

Weerarkii Hamas 2023

Weerarkii Xamaas ee koonfurta dhulka ay yahuudu heysato oo ay hoggaamiyeyaasha kooxdu ugu magac dareen “Hawlgalka Al-Aqsa”, waxa uu ahaa mid aan caadi ahayn, howlgalka  wuxuu bilaabmay subaxnimadii hore ee Oktoobar 7, oo aheyd sabtida Yuhuuda iyo maalin fasax u ah.

Xamaas waxay dhowr kun oo gantaal ku garaaceen koonfurta iyo badhtamaha dhulka la heysto, waxayna garaaceen magaalooyin ku yaal waqooyiga Tel Aviv, xoogaga Xamaas ayaa sidoo kale jebiyey xadka Gaza ee sida weyn loo ilaaliyo waxayna gudaha u galeen magaalooyin iyo tuulooyin badan oo ku yaal koonfurta falastiin, halkaas oo ay ku dileen ilaa 1,400 oo qof, tiro kalena way ku dhaawaceen, kuna qafaasheen.

Qaabkii xamaas ay gudaha ugu gashay dhulka la heysto dagaalkii 7 oktoobar 2023

Hoggaamiyaha Xamaas Maxamed Deif ayaa sheegay in kooxdan ay weerarradooda u qaadeen sababo la xidhiidha go’doominta muddada dheer ee Israa’iil ku hayso Qaza, qabsashada dhulka falastiiniyiinta.

Weerarkii Oktoobar 7-dii waa kii ugu dhimashada badnaa ee soo mara Israa’iil taariikhda shan iyo todobaatan sano oo ay jirsatay, waxaana uu dadkeeda u geystay dhaawac maskaxeed oo qoto dheer, iyadoo falanqeeyayaasha qaarkood ay barbar dhigayaan yaabka Pearl Harbor iyo September 11, 2001, weerarro lagu qaaday Mareykanka.

Hay’adaha sirdoonka ee Israa’iil iyo Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa in aysan haynin calaamad muujinaysa in ururka Xamaas uu qorshaynayo weerar noocaan ah.

Israa’iil ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Xamaas iyada oo xoojisay olole ay doonayso in lagu cirib tiro kooxdan oo laga sii daayo ku dhawaad ​​laba boqol oo la haystayaal ah, raiisel wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ka digay “dagaal dheer oo adag” oo ka dhan ah Xamaas.

Israa’iil iyo Xamaas ayaa rasaas is weydaarsanaya maalin kasta tan iyo 7-dii October, Israa’iil ayaa si buuxda u go’doomisay Qaza iyada oo go’doomisay shacab markii horeba laga dayrinayay., saddexdii toddobaad ee ugu horreeyay ee weerarka Israa’iil, ciidammadeedu waxay dileen in ka badan siddeed kun oo Falastiiniyiin oo shacab ah, ku dhawaad ​​40 boqolkiiba waa carruur, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamulaan ee Gaza.

In ka badan saddex boqol oo ciidamada Israa’iil ah ayaa sidoo kale lagu dilay dagaalka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Israa’iil.

dagaalka israel iyo xamaas gudaha gaza

Yuhuuddu xaq uma laha Falastiin

Hal ku dhegga Xamaas waa: Yuhuuddu xaq uma laha Falastiin, ururkaan ayaan haba yaraatee aaminsanayn wax xuquuq ah oo ay Yuhuudu ku leedahay dhulka falastiin, waxayna ku adkaysanayaan in laga saaro dhulkaasi, hase yeeshee, isbedeladii ka dhacay dhulka ayaa ku qasbay dhaqdhaqaaqa inay aqbalaan xuduudii 1967-kii.

Qoraalada qaar: https://www.cfr.org/backgrounder/what-hamas


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

One thought on “Wax ka ogow Ururka Xamaas

Leave a Reply