vladimir putin | Madaxweynaha Ruushka

Vladimir Vladimirovich Putin wuxuu ku dhashay Leningrad, Russia, U.S.S.R. [hadda loo yaqaan St. Petersburg, Russia]), Oktoobar 7, 1952, sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Ruushka iyo siyaasi soo noqday madaxweynaha ruushka(1999-2008, 2012- ilaa hadda), sidoo kale wuxuu ahaa ra’iisul wasaare (1999, 2008-2012).

Xirfaddiisii hore

Putin waxa uu sharciga ka bartay jaamacadda Leningrad State University, halkaas oo macallinkiisu ahaa Anatoly Sobchak mid ka mid ah siyaasiyiintii hormuudka ka ahaa dib u habeynta xilligii perestroika, Putin waxa uu 15 sano ahaa sarkaal sirdoon KGB oo dibadda qaabilsan oo ay ku jirto lix sano oo uu joogay Dresden, Jarmalkii Bari, Sannadkii 1990-kii ayuu ka fariistay shaqadii KGB isagoo ka gaarey darajada sareeye guuto, wuxuu kusoo noqday dalka Ruushka si uu u noqdo maamulaha Jaamacadda Leningrad isagoo mas’uul ka ah xiriirka dibadda ee machadka, Wax yar ka dib Putin waxa uu noqday la taliyaha Sobchak, oo ahaa duqii ugu horeeyay ee si dimoqraadi ah loogu doortay St. Petersburg, Waxa uu si dhakhso ah u helay kalsoonida Sobchak waxana uu caan ku noqday kartida uu u leeyahay inuu wax walba si fiican u sameeyo, 1994 kii waxa uu u soo baxay jagada maayar ku xigeenka kowaad.

1996 Putin waxa uu u guuray Moscow, halkaas oo uu ku biiray shaqaalaha madaxtooyada isaga oo ku xigeen u ah Pavel Borodin madaxa maamulka Kremlin-ka, Putin wuxuu ku soo dhawaaday saaxiibkii Leningrader Anatoly Chubais wuxuuna u dhaqaaqay jagooyin maamul,  Bishii Luulyo 1998 madaxweyne Boris Yeltsin waxa uu Putin ka dhigay agaasimaha Adeegga Amniga Federaalka (FSB beddelka KGB), wax yar ka dibna waxa uu noqday xoghayaha golaha Ammaanka ee saamaynta leh, Yeltsin oo raadinayay qof uu xilkiisa ku wareejiyo ayaa Putin u magacaabay ra’iisul wasaare 1999-kii.

In kasta oo isaga aan la garanayn, qiimaynta oggolaanshaha dadweynaha ee Putin ayaa kor u kacday ka dib markii uu bilaabay hawlgal millatari oo si wanaagsan loo agaasimay oo ka dhan ahaa fallaagadii gooni-goosadka ee Jejniya, dadweynaha Ruushku waxay qadariyeen qabowga Putin iyo go’aan qaadashadiisa adag.

Noloshiisa gaarka ah

Putin wuxuu ku dhashay 7 Oktoobar 1952 magaalada Leningrad, Midowgii Soofiyeeti (hadda Saint Petersburg, Russia), kan ugu yar saddexda carruur ah oo ay dhaleen Vladimir Spiridonovich Putin ( Noolaa: 1911-1999) iyo Maria Ivanovna Putina ( oo nooleyd: 1911- 1998), awowgiis Spiridon Putin (1879-1965) waxa uu cunto kariye khaas ah u ahaa Vladimir Lenin iyo Joseph Stalin, dhalashadii Putin waxaa ka horeeyey dhimashada labo walaalo ah oo kala ah: Albert oo dhashay 1930-meeyadii, wuxuu dhintay yaraantiisii, iyo Viktor oo dhashay 1940-kii, wuxuu u dhintay gawracatada iyo gaajo 1942-kii markii ay go’doomiyeen ciidamadii Nazi-ga Jarmalku dagaalkii labaad ee Adduunka ee Leningrad.

vladimir putin

Putin hooyadii waxa ay ahayd shaqaale warshadeed, aabihiis waxa uu ka mid ahaa ciidamadii badda ee Soofiyeeti, isaga oo ka mid ahaa maraakiibta badda hoosteeda mara horraantii 1930-kii, intii lagu jiray marxaladdii hore ee duullaankii Nazi Jarmal ee Midowga Soofiyeeti, aabihiis wuxuu ka shaqeeyay guutada burburinta ee NKVD, Ka dib waxaa loo beddelay ciidankii caadiga ahaa, si xun ayaana loo dhaawacay 1942.

Putin ayeeyadii hooyadeed waxaa dilay gumeystihii Jarmalka ee gobolka Tver 1941-kii.

28 Luulyo 1983, Putin wuxuu guursaday Lyudmila Shkrebneva waxayna ku wada noolaayeen Jarmalka Bari 1985 ilaa 1990, waxay u dhashay laba gabdhood:  Mariya Putina waxay ku dhalatay Leningrad (hadda Saint Petersburg) 28 Abriil 1985 iyo Yekaterina Putina waxay dhalatay 31, Agoosto 1986 magaalada Dresden, Jarmalka Bari (hadda Jarmalka).

6 June 2013, Putin iyo Lyudmila waxay ku dhawaaqeen in guurkoodii dhammaaday, 1dii Abriil 2014, Kremlinka ayaa xaqiijiyey in furiinka la dhammeeyay.

Putin waa Ortodokska Ruushka, hooyadii waxay ahayd Masiixi, halka aabbihiis uu ahaa mulxid.

Sheekada putin qoyskiisa ee dagaalkii labaad adduunka

Intii uu dagaalka socday Putin aabihii waxa uu ka soo laabtey jiida hore ee dagaalka oo uu nasasho kooban ka qaatay, markii uu u soo dhawaaday gurigii ay kula noolaa xaaskiisa, waxa uu arkay meydad badan oo daadsan waddada iyo niman ku raranaya baabuur fidsan oo sugaya, markii uu soo dhawaaday ayaa waxa uu arkay lugo dumar ah oo kabo xidhan oo uu u aqoonsaday in ay tahay naagtiisa, wuu ku soo orday oo dalbaday meydka xaaskiisa, muran ka dib nimankii ayaa is gacan qaaday, Putin aabbihii ayaa xaaskiisa laabta ku qaaday, markii uu baadhayna wuxuu ogaaday inay weli nooshahay,waxa uu kor ugu qaaday gurigooda oo uu dib ugu soo celiyay caafimaad, sideed sano ka dib, 1952 wiilkooda Vladimir ayaa dhashay,” Hillary Clinton : Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ee Maraykankaayaa qortay.

Vladimir Putin ayaa sheegay in aabihiis uu lahaa lix walaalo ah oo shan ka mid ah ay ku dhinteen dagaalka.

Xilheyntiiisii koowaad iyo labaad ee madaxweyne

December 31, 1999, Boris Yeltsinayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu xilka iska casilayo, wuxuuna Putin u magacaabay ku simaha madaxweynaha, Putin ayaa si fudud ugu guulaystay doorashadii March 2000 isagoo helay 53 boqolkiiba codadka, waxa uu damcay in uu joojiyo musuqmaasuqa oo uu abuuro dhaqaale suuqeed oo si adag loo maamulo.

Waxa kala kulmay xaalad adag Chechnya gaar ahaan fallaagada oo weerarro ka geystay Moscow iyo weerarro jabhadeed oo lagu qaaday ciidammada Ruushka ee ka yimid buuraha gobolka, 2002-dii Putin waxa uu ku dhawaaqay in la soo afjaray ololihii millatari balse khasaaruhu wuu badnaa.

Putin si fudud ayaa dib loogu doortay March 2004, doorashadii baarlamaanka ee Diseembar 2007, xisbiga Putin ee United Russia ayaa ku guuleystay aqlabiyad aad u badan oo kuraas ah, in kasta oo caddaaladda doorashooyinka ay su’aal ka keeneen goobjoogayaasha caalamiga ahaa iyo xisbiga Shuuciga ee Federaalka Ruushka, haddana natiijadu waxay xaqiijisay awoodda Putin, qodob dastuuri ah ayaa Putin ku qasbay in uu xilka ka dago 2008dii, waxa uu doortay Dmitry Medvedev in uu noqdo beddelkiisa.

Putin oo ra’iisul wasaare ah

Wax yar ka dib markii Medvedev uu si aqlabiyad ah ugu guuleystay doorashadii madaxtinimada ee March 2008, Putin wuxuu ku dhawaaqay inuu aqbalay jagada guddoomiyaha xisbiga United Russia, Isagoo xaqiijinaya rajooyin badan, Medvedev wuxuu Putin u magacaabay ra’iisul wasaaraha dalkaas saacado gudahood markii uu xafiiska la wareegay May 7, 2008, baarlamaanka Ruushka ayaa xaqiijiyay magacaabista maalintii xigtay, in kasta oo Medvedev uu lahaa hal-adaygnimo markii uu muddadiisu socotay hadana Putin waxa weli loo arkayay inuu ahaa awoodda ugu weyn ee Kremlin-ka.

Iyadoo qaar ay qiyaasayeen in Medvedev laga yaabo inuu u tartamo mar labaad wuxuu ku dhawaaqay Sebtembar 2011 in isaga iyo Putin ay sugi doonaan guusha United Russia, wax isdabamarin baahsan oo ka dhacday doorashadii baarlamaanka bishii December 2011 ayaa kicisay mowjado mudaaharaad dadweyne ah, Putin-na waxa uu la kulmay dhaqdhaqaaq mucaarid oo la yaab leh oo ku saabsan tartanka madaxtinimada.

Si kastaba ha ahaatee bishii Maarso 4, 2012, Putin ayaa mar saddexaad loo doortay madaxweynaha Ruushka, Ka hor caleema saarkiisa Putin wuxuu iska casilay xilkii guddoomiyaha United Russia isagoo maamulka xisbiga ku wareejiyay Medvedev, waxaa loo caleemasaaray madaxweyne May 7, 2012, mid ka mid ah ficilladiisii ​​ugu horreeyay markii uu xafiiska la wareegay waxay ahayd inuu Medvedev u magacaabo inuu noqdo ra’iisul wasaare.

Markii saddexaad ee madaxweyne Vladimir Putin

Sannadkii ugu horreeyay ee Putin xafiiska dib ugu soo noqday isaga oo madaxweyne ah waxa uu sameeyey dadaallo guul leh oo lagu cabudhinayo dhaqdhaqaaqa mudaaharaadka, hogaamiyayaasha mucaaradka waa la xidhay, ururada aan dawliga ahayn ee dhaqaalaha ka helay dibadda waxaa lagu calaamadiyay “wakiilo shisheeye.”,  Xiisadda Maraykanka ayaa soo shaacbaxday bishii Juun 2013 markii qandaraaslihii Hay’adda Ammaanka Qaranka ee Maraykanka (NSA) Edward Snowden uu magangalyo ka raadsaday Ruushka ka dib markii uu shaaca ka qaaday jiritaanka tiro barnaamijyo sir ah oo NSA ah.

Snowden ayaa loo ogolaaday inuu ku sii nagaado Ruushka shuruud ah sida uu hadalka u dhigay Putin inuu joojiyo “waxyeelada uu u geysanayo saaxiibadeena Mareykanka.”.

Colaadda Ukraine iyo faragelintii Suuriya

Bishii Febraayo 2014 madaxweynihii Ukraine Viktor Yanukovych ayaa la afgambiyay ka dib bilo ay socdeen mudaaharaadyo isdaba joog ah, Yanukovych waxa uu u baxsaday Ruushka isagoo diiday inuu u aqoonsado xukuumaddii ku meel gaadhka aheyd ee Kyiv inay tahay mid sharci ah, Putin waxa uu codsaday ansixinta baarlamaanka si ay ciidamo ugu diraan Ukraine si ay u ilaaliyaan danaha Ruushka.

 Horraantii bishii Maarso 2014kii ciidamada Ruushka iyo kooxaha taageersan Ruushka ayaa si wax ku ool ah ula wareegay gacan ku haynta Crimea oo ah jamhuuriyad iskeed u madax bannaan oo ka tirsaneyd Ukraine oo dadkeedu ay u badan yihiin qowmiyada Ruushka.

 Afti caan ah oo la qabtay 16-kii Maarso 2014 dadka deggan Crimea waxay u codeeyeen inay ku biiraan Ruushka, dowladaha reer galbeedka ayaa soo rogay xayiraado safar oo xiriir ah iyo xannibaado hanti ah oo ka dhan ah xubnaha Putin taageersan.

18-kii Maarso Putin ayaa sheegay in Crimea ay waligeed ka tirsaneyd Ruushka, wuxuu saxiixay heshiis ku daraya jasiiradda dalka Ruushka, maalmihii xigay in badan oo ka mid ahaa xulafadii siyaasadeed ee Putin ayaa lagu bartilmaameedsaday cunaqabatayn dhaqaale oo ay saareen Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Bishii Abriil 2014 kooxo hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan oo ku labisan qalabka Ruushka ayaa qabsaday dhismayaal dawladeed oo ku yaalla koonfurta bari ee Ukraine taasoo dhalisay iskahorimaad hubaysan, Putin waxa uu gobolka ugu yeedhay Novorossiya (“Ruushka Cusub”), Putin wuxuu si adag u diiday in uu gacan ku leeyahay dagaalka.

 July 17, 2014 duulimaadka Malaysia Airlines MH17 oo siday 298 qof ayaa ku burburtay bariga Ukraine, caddaymo aad u badanna waxay muujinayaan in lagu soo riday gantaal hawada laga rido oo Ruushku sameeyay oo laga soo riday dhulka ay maamulaan fallaagada.

Wadamada reer galbeedka ayaa ka jawaabey iyaga oo xoojiyey nidaamka cunaqabateynta, talaabooyinkaas oo ay weheliso hoos u dhac ku yimid qiimaha saliidda ayaa dhaqaalaha Ruushka dhulka dhigay.

February 12, 2015, Putin wuxuu kula kulmay Minsk – Belarus madax kale oo adduunka ah si ay u ansixiyaan qorshe nabadeed oo ka kooban 12 qodob oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine, bishii Sebtembar 2015-kii qaramada Midoobay (QM) waxay ku qiyaastay in ilaa 8,000 oo qof ay ku dhinteen dagaalka, 1.5 milyanna ay ku barakaceen.

Sebtembar 28, 2015, khudbad uu ka hor jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Putin wuxuu soo bandhigay aragtidiisa ku saabsan Ruushka inuu yahay quwad caalami ah oo awood u leh inuu saadaaliyo saameyntiisa dibadda isagoo ku tilmaamay Mareykanka iyo NATO inay yihiin kuwo khatar ku ah amniga adduunka.

Laba maalmood ka dib Ruushku waxa uu noqday mid si firfircoon uga qaybqaatay dagaalka sokeeye ee Suuriya markii diyaaradaha Ruushka ay duqeeyeen bartilmaameedyo u dhow magaalooyinka Homs iyo Hama Inkastoo saraakiisha difaaca Ruushku ay sheegeen in duqeymahan cirka ah ay la damacsanaayeen in lagu bartilmaameedsado ciidamada iyo xoogaga dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam.

Muddo xileedka afraad ee madaxweynaha

Markii ay soo dhawaatay doorashadii madaxtinimada ee March 2018, waxa ay u muuqatay in la hubo in Putin uu ku guulaysan doono markii afraad ee madaxtinimo, Navalny oo ahaa hogaanka mucaaradka ayaa laga mamnuucay inuu tartamo, musharaxa shuuciga Pavel Grudinin ayaa dhaleecayn aan kala go’ lahayn kala kulmay warbaahinta dowladda.

Laba toddobaad ka hor doorashada, Putin wuxuu noqday bartilmaameedka dhacdo weyn oo caalami ah markii Sergei Skripal oo aheyd sarkaal hore oo ka tirsaneyd sirdoonka Ruushka oo lagu helay dambi ah inay basaas u aheyd Britain la helay iyada iyo gabadheeda oo miyir daboolan Salisbury, England.

Baarayaashu waxay ku eedeeyeen in labada qof ay la kulmeen “novichok,” oo ah walxo neerfaha wax yeeleeya oo uu sameeyay Soviets, saraakiisha Britain ayaa ku eedeeyay Putin inuu amray weerarka, iyadoo Ra’iisul wasaarihii Britain Theresa May ay dalkeeda ka eriday ku dhawaad ​​labaatan ka mid ah saraakiisha sirdoonka Ruushka oo si qarsoodi ah uga shaqeynayey Britain.

Murankii dublamaasiyadeed ayaan weli hoos u dhicin markii Ruushku u dareeray goobaha codbixinta March 18, 2018, sannad-guuradii afraad ee ka soo wareegtay markii Ruushku xoog ku qabsaday jamhuuriyadda ismaamulka Ukraine ee Crimea, dhacdadaas oo calaamad u ah sumcadda gudaha ee Putin, sidii la filayey, Putin waxa uu ku andacoodey aqlabiyadda codbixintii doorashada ay hay’adda kormeerka madaxa-bannaan ee Golos ku tilmaantay in ay hareeyeen khaladaad, Putin waxa uu rejeeyey codbixin ka badan tii uu ku guulaystay doorashadii 2012-kii, Putin wuxuu natiijada ku tilmaamay “guul cajiib ah.”.

Isbeddelkii dastuurka iyo sumayntii Navalny

Bishii Janaayo 2020 Putin wuxuu ku dhawaaqay inuu doonayo inuu wax ka beddelo dastuurka Ruushka si uu meesha uga saaro xaddidaadda muddada madaxweynayaasha, taasoo u gogol xaareysa inuu xafiiska sii joogo si aan xad lahayn, Medvedev ayaa si degdeg ah ayuu iskaga casilay ra’iisul wasaare isagoo sheegay in dowladda cusub ay siin doonto Putin “fursad uu ku gaaro go’aamada uu u baahan yahay inuu gaaro.”, isbeddellada dastuuriga ah ee la soo jeediyay ayaa waxaa si degdeg ah u ansixiyay sharci-dejinta Ruushka, laakiin Putin ayaa qorsheeyay afti qaran oo arrintan loo qaado, codbixintaas ayaa markii hore loo qorsheeyay Abriil laakiin dib ayaa loo dhigay illaa Luulyo sababtoo ah masiibada COVID-19.

Si aan la yaab lahayn natiijadu waxay ahayd xaqiijin weyn oo ku saabsan ajandaha Putin, laakiin kooxaha mucaaradka ayaa xusay in aysan jirin kormeer madax-bannaan oo la socday habka doorashada.

20kii Agoosto 2020 Navalny ayaa si xun ugu xanuunsaday duulimaad ka yimid magaalada Tomsk Siberia , baaritaanno kadib ayaa lagu xaqiijiyay in uu la kulmay novicok, Navalny ayaa loo duuliyay Jarmalka si uu u soo kabsado, bishii xigtayna musharrixiinta mucaaradka ayaa si la yaab leh u soo bandhigay doorashooyinkii deegaanka ee ka dhacay aagga uu Navalny ololaha ka waday, Kremlin-ka ayaa diiday ku lug lahaanshaha sumaynta.

Duulaanka Ruushka ee Ukraine

Dabayaaqadii 2021 Putin waxa uu amar ku bixiyay in ciidamo Ruush ah oo aad u tiro badan la geeyo xuduudka Ukraine, cutubyo dheeraad ah ayaa loo diray Belarus si ay ugu lug yeeshaan dhoolatus wadajir ah, dowladaha reer galbeedka ayaa walaac ka muujiyay wax u muuqda duulaanka Ruushka ee soo socda, balse Putin ayaa beeniyay in uu wax qorshe ah ka leeyahay.

Febraayo 2022 ilaa 190,000 askari oo Ruush ah ayaa diyaar u ahaa in ay weerar ku qaadaan Ukraine oo ay ka soo duullaan saldhigyada Ruushka ee Crimea oo Ruushku qabsaday, Belarus iyo gobolka gooni u goosadka ee uu Ruushku taageero, Intaa waxaa dheer cutubyo ciidamada badda ah ayaa la geeyay badda Madow iyadoo la huwan yahay leyliga badda ee horay loo qorsheeyay.

Febraayo 21 sanadkii 2022 Putin wuxuu aqoonsaday madax-bannaanida jamhuuriyadaha dadka iskood isku magacaabay ee Donetsk iyo Luhansk, isagoo si wax ku ool ah u baabi’iyay heshiiskii nabadda ee Minsk 2015, subaxnimadii hore ee Febraayo 24, Putin wuxuu ku dhawaaqay bilawga “howlgal milatari oo gaar ah”, waxaana laga maqlayay qaraxyo ka dhacay magaalooyinka Ukraine, madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in dalkiisa uu is difaaci doono, madaxda reer galbeedka ayaa cambaareeyay weerarkan aan loo meel dayin, iyagoo ballan qaaday in cunaqabatayn degdeg ah oo adag la saarayo Ruushka.

Putin iyo lataliyayaashiisa militariga ayaa u qaatay in duulaanka Ruushka ee Ukraine uu maalmo gudahood ku soo gabagabeyn doono in la rido dowladdii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay ee Kyiv, lana soo dhiso maamul taageersan Moscow, si kastaba ha ahaatee, bilowgii hore cilladaha milatari Ruushka ayaa soo muuqday, guuldarrooyinka saadka ee waaweyn ayaa caqabad ku noqday weerarka Kyiv, isku daygii lagu hareerayn lahaa magaalada Kharkiv ayaa wiiqmay, in kasta oo magaaladaas ay u dhowdahay (20 mayl (32 km)) xudduudda Ruushka, dhamaadkii bishii Maarso ciidamada Ruushka ayaa dib looga soo celiyay Kyiv, bishii xigtayna ciidamada Ukraine waxay quusiyeen markabkii gantaalaha ee Moskva.

In ka badan hal sano oo dagaal ah ka dib, maqaamkii caalamiga ahaa ee Ruushka ayaa si weyn hoos ugu dhacay, dhaqaalihiisuna waxa uu ahaa mid cunaqabatayn la daalaa dhacaya, hogaamiyuhuna waxa uu u muuqday mid aad uga nugul wakhti hore oo uu ku dhawaad ​​rubuc qarni xukunka hayay.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply