Wax ka ogow malcolm x (El-Hajj Malik El-Shabazz)

Malcolm X, magaciisii asalka ah waa Malcolm Little, Magacasa Muslimka el-Hajj Malik el-Shabazz, wuxuu dhashay May 19, 1925, magaalada Omaha, Nebraska, dalka mareykanka, wuxuu ahaa hogaamiye Afrikaan Mareykan ah iyo shaqsi caan ka ah ummadda islaamka kaas oo si cad u qeexay fikradaha naceybka jinsiyadeed iyo qarannimada dadka madow horaantii 1960-yadii.

Sanadihii hore

Wuxuu ku dhashay Nebraska, wuxuu qoyskiisa ula guuray magaalada Lansing, gobolka Michigan, markii Malcolm lix jir ahaa aabihiis Rev. Earl Little oo ahaa wasiir Baabtiis ah iyo taageere hore ee hoggaamiyihii waddaniyiinta Madow Marcus Garvey ayaa dhintay ka dib markii uu ku dhacay baabuur lagana yaabo in uu ahaa dhibbane dilka ay ugeysteen caddaanku.

Qoyska inta ka hartey aad bay sabool u ahaayeen, Malcolm hooyadiis, Louise Little waxay miciin biday inay dariiqa wax ku kariso si ay u quudiso caruurteeda, Malcolm iyo walaalihiis waxaa loo diray meelaha caruurta lagu koriyo ama inay la noolaadaan xubnaha qoyska.

Malcolm aad buu ugu fiicnaa dugsiga, laakiin wuu ka caajisay xiisadihii ka dib markii mid ka mid ah macalimiintiisii ​​fasalka sideedaad u sheegay inuu noqdo nijaar halkii uu qareen ka noqon lahaa ​​​​wuxuuna soo afjaray waxbarashadiisii ​​tooska ahayd.

Malcolm wuxuu ka soo guuray Guriga lagu hayey ee Gobolka Michigan una guuray qaybta Roxbury ee Boston si uu ula noolaado walaashii ka weyn Ella, halkaa waxa uu ku lug yeeshay fal dambiyeedyo yaryar sannadihii uu dhallinyaranimada ahaa, intii u dhaxaysay 1946-kii ilaa 1952-kii waa la xirey waxa uu ku kacay fal dambiyeed.

Ku biiristii islaamka

waxa uu galay diinta islaamka taas oo aakhirkii u horseeday in uu ku biro Nation of Islam oo ahaa dhaqdhaqaaq African American ah, go’aankiisa ku biirista Qaranka islaamka waxaa sidoo kale saameyn ku yeeshay wadahadal uu la yeeshay walaalkiis Reginald, Malcolm wuxuu joojiyay sigaar cabista iyo khamaarka wuxuuna diiday inuu cuno hilibka doofaarka iyadoo la ilaalinayo xannibaadaha cuntada ee islaamka.

Si uu naftiisa wax u baro, waxa uu saacado badan ku qaatay in uu buugaag ka akhriyo maktabadda xabsiga, isaga oo weliba xafiday qaamuus, waxa kale oo uu xoojiyay xirfadihiisa baadhista isaga oo ka qayb qaadanaya xiisadaha doodaha.

Malcolm X iyo Nation of Islam

Ka dib markii xabsiga laga sii daayay Malcolm wuxuu gacan ka geystay hoggaaminta ururka nation of islam intii lagu jiray korriinka iyo saameynta ugu weyn, 1952 waxa uu Chicago kula kulmay Elijah Muhammad oo ahaa hogaamiyihii ururka ka dibna waxa uu bilaabay abaabulka macbadyada Qaranka ee New York, Philadelphia, iyo Boston iyo magaalooyinka Koonfurta.

Waxa uu aasaasay wargeyska Nation, Muhammad Speaks, Waxa kale oo uu si cad u qeexay caqiidooyinka jinsiyadeed ee Qaranka ee ku saabsan xumaanta ku jirta caddaanka iyo sareynta dabiiciga ah ee Madowga.

Malcolm si degdeg ah ayuu kor ugu kacay si uu u noqdo wasiirka Boston Temple No. 11 kaas oo uu aasaasay, ka dib waxaa lagu abaalmariyay jagada wasiirka Macbadka No. 7 ee Harlem, macbadka ugu weyn uguna sharafta badan ee Qaranka kadib xarunta Chicago.

Isaga oo garowsan kartidiisa, Elijah Muhammad oo kalgacal gaar ah u qabay Malcolm, waxa uu u magacaabay wakiilka caalamiga ee Qaranka, Malcolm wuxuu sheeganayay xubnaha ururka in ay gaarayaan 500,000, tirada dhabta ah ee xubnaha ayaa isbedbedeshay.

Af hayeen dadwayne oo si cad u hadla, shakhsi soo jiidasho leh iyo abaabule aan la daalin, Malcolm X waxa uu muujiyay niyad-jabka iyo carada Afrikaanka Maraykanka intii lagu jiray wajigii ugu weynaa ee dhaqdhaqaaqii xuquuqda madaniga ah ee 1955 ilaa 1965.

Waxa uu ku wacdiyay waddooyinka Harlem oo uu ka hadlay jaamacadaha waaweyn sida Harvard University iyo University of Oxford.

Waxa uu sidoo kale dhaleeceeyay dhaqdhaqaaqii xuquuqda madaniga ah ee caadiga isaga oo caqabad ku ahaa Martin Luther King, Jr. fikradaha dhexe ee isdhexgalka iyo rabshad  la’aanta, Malcolm waxa uu ku dooday in wax ka badan ay khatar ku jirto marka loo eego xuquuqda madaniga ee ah in la fadhiisto makhaayad ama xitaa in la codeeyo.

Arrimaha ugu muhiimsan waxay ahaayeen aqoonsiga madow, daacadnimada, iyo madaxbannaanida, si ka duwan istaraatijiyadda Martin Luther ee rabshad la’aanta, Malcolm wuxuu ku booriyay taageerayaashiisa inay isdifaacaan “si kasta oo lagama maarmaan ah.”.

Malcolm X wuxuu gacan ka geystay inuu beddelo ereyada loo isticmaali jiray in lagu tilmaamo Afrikaan Ameerikaanka “Negro” iyo “midab” loona beddelo “Madow” iyo “Afro-American.”.

Sanadihii ugu dambeeya

1963dii waxaa jiray xurguf hoose oo dhexmartay Malcolm iyo Elijah Muhammad oo ku saabsanaa jihada siyaasadeed ee Qaranka, Malcolm waxa uu ku booriyay in Qaranku uu aad ugu firfircoonaado mudaaharaadyada xuquuqda madaniga ah ee baahsan halkii ay ka ahaan lahaayeen dhaleecayn dhinac ah.

Malcolm X waxa uu uu ogaaday arrimo  Elijah Muxammad uu la lahaa haweenka ururka iyo caruurtiisa badan ee aan sharciga ahayn, waxana uu ka xumaaday akhlaaq darada iyo munaafaqnimada hoggaamiyaha.

Ka dib dilkii madaxweyne John F. Kennedy Nov. 22, 1963, Malcolm X wuxuu siiyey Muxammad fursad si uu xilka uga tuuro, dhudbad uu ka jeediyay Manhattan, Malcolm X ayuu kaga hadlay dilkii madaxweynaha.

Muxammad, oo xubnihiisa ka mamnuucay inay ka hadlaan dilka ayaa shaqada ka joojiyay Malcom muddo 90 maalmood ah iyadoo aan la qorsheynin in dib loo soo celinayo.

Bishii March 1964-kii Malcolm waxa uu ka baxay ururkii Nation Of Islam, bishii xigtayna waxa uu aasaasay Muslim Mosque, Inc, wuxuu aaday magaalada barakeysan ee makkah al mukarramah, intii uu xajka  joogay isla sannadkaas waxa uu qaatay Islaamka Sunniga, isaga oo qaatay magaca Muslimka el-Hajj Malik el-Shabazz.

booqashadii labaad ee uu ku tagay Afrika 1964kii, waxa uu khudbad ka jeediyay Ururka Midowga Afrika, 1965-kii waxa uu aasaasay Ururka Afro-American Unity si uu u caalamiyeeyo dhibka haysta dadka Madaw ee Maraykanka iyo in uu sameeyo qadiyad guud oo lala yeesho dadka dunida soo koraysa si looga guuro xuquuqaha madaniga ah loona gudbo xuquuqul insaanka.

Shirqoolkii lagu dilay

Cadaawadda sii kordhaysay ee u dhaxaysay Malcolm iyo ururkii Nation Of Islam ayaa horseeday hanjabaad dil ah iyo rabshado cad oo isaga ka dhan ah, Febraayo 21, 1965 Malcolm waa la dilay isagoo muxaadaro ka jeedinaya hoolka Ballroom Audubon ee Washington Heights.

Malcolm X waxa la dilay isaga oo 39 jir ah isaga oo isu diyaarinayay in uu khudbad ka jeediyo hoolka Audubon Ballroom ee Manhattan 21-kii Feberaayo, 1965. Markii uu salaan ka qaatay dhegaystayaashiisa madasha fadhiga, waxa qolka gadaashiisa ka dhacay buuq iyo sawaxan.

Gacan ku-dhiigle sita qoriga sawed-off shotgun ayaa ku cararay masraxa isaga oo beegsaday laabta Malcolm, Malcolm X wuu dhacay, dhanka kale laba nin oo la socday ayaa kasoo booday cidhifka masraxa, iyagoo Malcom X ka toogtay canqowga iyo labadiisa cajar.

Saddexdii nin ee hubaysnaa ayaa bibaabay inay dib u gurtaan iyagoo ku dhex jira buuqa iyo qalalaasaha labo ayaa u suurtagashay in ay ka baxsadaan qolka balse ilaalada Malcolm X ayaa mid ka mid ah gacan ku dhiiglayaashii bowdada  ka toogtay.

Saddex xubnood oo ka tirsanaa ururka nation of islam ayaa la xidhay, intii ay socotay dacwadda, mid ka mid ah tuhmanayaasha oo la oran jirey Talmadge Hayer (oo sidoo kale loo yaqaan Thomas Hagan; oo markii dambe loo yaqaanay Mujaahid Abdul Halim) ayaa qirtay, laakiin wuxuu sheegay labada eedaysane ee kale oo kala ahaa Norman 3X Butler (Muhammad Aziz) iyo Thomas 15X Johnson (Khalil Islam) in aan lug ku lahayn.

 In kasta oo uu markhaati furay, saddexda ninba waxa lagu xukumay eeda dilka, shakiga ku saabsan dambiga Aziz iyo Islam ayaa sii socday, Waxa uu xabsiga ku jiray 45 sano ka hor intii aan lagu sii dayn cafis 2010, Islam waxaa cafis lagu sii daayay 1987, waxa uu dhintay 2009. Aziz ayaa la sii daayey 1985.

Ka dib dilkii Malcolm X, kumannaan qof ayaa u safray goobta Aaska ee Harlem si ay u arkaan jirkiisa oo ay u muujiyaan ixtiraam.

Malcolm X ayaa la aasay Febraayo 27-dii intii lagu jiray aas ay ka soo qayb galeen qoyskiisa, asxaab iyo hogaamiyayaasha xuquuqda madaniga.

Qoyskiisa

Malcolm waxa uu ifka kaga tagay xaaskiisa Betty Shabazz oo uu guursaday 1958-kii iyo lix hablood, shahiidnimadiisa, fikradihiisa, iyo hadalladiisa waxay gacan ka geysteen horumarinta fikirka waddaniyiinta Madowga ah iyo dhaqdhaqaaqa awoodda madow waxayna gacan ka geysteen faafinta qiyamka madaxbannaanida Afrikaanka Ameerika 1960 meeyadii iyo 70-meeyadii.

Qaar ka mid ah Oraahyadii laga qoray

  1. “Xuquuqda aadanaha waa wax aad ku dhalatay, Xuquuqul insaanku waa xuquuqahaaga ilaahay kugu manaystay, Xuquuqul insaanku waa xuquuqda ay aqoonsan yihiin dhammaan quruumaha dunidan ku nool.” – Malcolm X.
  2. “Ma jirto wax ka roon dhibka, guuldarro kasta, qalbi jab kasta, khasaare kasta, waxa ku jira abuurkeeda, dersi u gaar ah oo ku saabsan sidaad u horumarin lahayd waxqabadkaaga marka xigta.”
  3. “Mar kasta oo aad nin kale ka barido inuu ku xoreeyo, weligaa xor ma ahaan doontid. Xoriyaddu waa shay ay tahay inaad adiga naftaada sameysatid.”
  4. “Waxbarasho la’aanteed, meelna uma socon doontid aduunkan.”.
  5. “Waxaa la joogaa xilligii shuhadada, haddaan ka mid noqdona waxay noqon doontaa arrin walaaltinimo, taasi waa waxa kaliya ee dalkan badbaadin kara.”
  6. “Ma aha inaad noqoto nin u halgama xorriyadda, axa kaliya oo ay tahay inaad sameyso waa inaad noqoto qof caqli badan.
  7. “Imtixaankii ugu adkaa ee aan abid la kulmo nolosheyda waxay ahayd tukashada.”
  8. “Ma nihin Maraykan, waxaan nahay Afrikaan ku sugan Ameerika. Waa nala afduubay oo nala keenay annaga oo aan raalli ka ahayn”.
  9. “Waxbarashadu waa baasaboorka mustaqbalka, waayo berrito waxaa leh kuwa maanta u diyaargaroobaya.”
  10. “In miiska la fadhiisto kaama dhigayso qof cunteeyey ilaa aad wax ka cunto waxa saxanka ku jira mooyee, Joogitaanka Ameerika kaama dhigayso Maraykan, in aad halkan ku dhalatay Ameerika kaama dhigayso Maraykan.”
  11. “u hadalka sidan oo kale ah macnaheedu maaha inaan nahay kuwa ka soo horjeeda caddaanka, laakiin waxay la macno tahay inaan nahay kuwa kasoo horjeeda dhiig miirashada, waxaan nahay waxaan nahay dulmi-diid.”
  12. “Ma u ololeeyo rabshadaha, laakiin haddii nin igu istaago, isagaana waan ku istaagi doonaa…

Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply