Wax ka ogow Mustafa Cagjar Madaxweynaha dowlad deegaanka soomaalida

Last Updated on February 3, 2024 by Taariikh24

Mustafe muxumed cumar wuxuu ku dhashay 1972 magaalada Awaare ee gobolka Jarar ee dhulka Soomaali galbeed, Waxbarashadiisa dugsiga hoose wuxuu ku qaatay dugsiga Awaare, wuxuuna ku sii dhamaystirtay Dhagaxbuur oo reerkoodu uu u guuray, halkaasoo sidoo kalena uu dugsiga sare ka galay.

Waxbarashadiisii jaamacadda

Waxa uu ka qalin jabiyay jaamacadda Addis Ababa halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee jaamacadda oo uu ka diyaariyay cilmiga dhaqaalaha, waxa kale oo uu shahaadada Masterka ee Dhaqaalaha Beeraha ka qaatay Imperial College London.

Khibradihiisa Shaqo

Mustafe waxa uu bare ka noqday kuliyadii jigjiga,kadibna waxa loo dalacsiiyay ku xigeenka, Waxa uu noqday ku xigeenka xafiiska waxbarashada deegaanka Soomaalida, waxa uu la soo shaqeeyay hay’ado caalami ah oo aan dawli ahayn oo xilal kala duwan uu ka soo qabtay sida Save the Children, Oxfam iyo OCHA.

Intii uu ka shaqaynayay Qaramada Midoobay, waxa uu ahaa mid dhaliili jiray madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida, Wuxuu waayo aragnimo u leeyahay hawlaha bani’aadminimo ee Qaramada Midoobay, Mustafe Muxumad Cumar waa shakhsi u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, waana nin aad wax u qora.

Waxaa loo beddelay dalka Zimbabwe 2006 illaa 2007, ka dib markii loogu hanjabay in la dilayo, markaas oo uu gacan ka gaystay in la kashifo xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo TPLF ay ka gaysteen gobolka Soomaalida.

Waxa uu hore lataliye uga soo noqday Isuduwaha Gargaarka Bani’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Oktoobar 2016 waxaa sida la sheegayo u hanjabay maamulkii gobolka ka talinayey, wararka waxay sheegayaan in markii uu u hogaansami waayey digniintaas in ciidanka Liyuu Boolisku qabteen ay magaalada Dhagaxbuur ka kaxaysteen aabihiis oo 70 jir ahaa iyo walaalkiis ka yaraa, Faysal Cumar.

Dad xog ogaal ah waxay sheegeen in Faysal la dilay oo laga tuuray gaari xawli ku socday, ayadoo ka dibna la sheegay in uu isagu is dilay ayadoo uu aabihii goobjoog ahaa.

Dhacdadan naxdinta leh kama aysan joojin mana aamusin Mustafa taas beddelkeeda, firfircoonidiisa ayuu sii labanlaabay isaga oo ku dhiirri gelinaya kuwa kale in ay jebiyaan silsiladda aamusnaanta.

Xilka madaxweyne

Mustafe ayaa loo magacaabay ku simaha madaxweynaha 22 August 2018 kadib xiisad siyaasadeed ku qasabtay Cabdi Maxamuud Cumar inuu xilka iska casilo kadib markii ay isku dhaceen dowladda dhexe, waxaa si rasmi ah uu u noqday madaxweynaha dowlad deegaanka soomaali state sanadkii 2021, Waxaa doortay Golaha Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida, wuxuuna maamulka hoggaamin doonaa 5-ta sano.

Mustafa wuxuu u yimid inuu hoggaamiyo gobol ayxadgudubyada aadanaha ay ka dhigi jireen cinwaannada sheekooyinka rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn ee warbaahinta kala duwan, kumanaan dad ah oo aan waxba galabsan ayaa la dhigay xabsiyada iyadoon loo marin sifo sharci ah.

Talaabadii ugu horeysay ee uu Mustafa uu qaaday waxay ahayd xiritaanka xabsiga dhexe ee caanka ahaa ee jeel ogaadeen, sidoo kale wuxuu heshiis la galay jabhadda ONLF oo dagaal adag kula jirtay dowladda itoobiya.

Xigasho: https://www.bbc.com/somali/war-58957126


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply