Wax ka ogow Sheekh Axmad Yaasiin | Aasaasihii ururka xamaas

Last Updated on April 26, 2024 by Taariikh24

Sheikh Ahmed Ismail Hassan Yassin oo loo yaqaan Sheekh Axmad Yaasiin waxa uu ku dhashay tuulada Al-Jura oo ku taal duleedka magaalada Askala ee la haysto ee Falastiin bishii June 1929kii (ama January 1, 1937 lama hubo), waxa uu ka soo jeeday qoys aad u wanaagsan kuwaas oo ahaa beeralay iyo kalluumaysato, Aabihii wuxuu dhintay isagoo shan jir ka yar.

Mar uu ku ciyaarayay xeebta Gaza badhtamihii Luulyo 1952 isagoo 16 jir ah waxa soo gaadhay dhaawac laf dhabarta ah kaas oo ka dhigay baraleeys waxaana uu ku qasbanaaday inuu isticmaalo kursiga curyaanka noloshiisa.

Waxbarashadiisii iyo Shaqadiisii

Yaasiin waxa uu waxbarashadiisa ka bilaabay Al-Jura oo uu ku dhamaystay fasalka afraad, saboolnimada aadka u daran ee qoyskiisu soo gaadhay ka dib markii ay ka soo barakaceen gurigoodii 1948kii, Yaasiin waxa uu ku khasbanaaday in uu dugsiga ka tago muddo saddex sano ah, taas oo ku qasabtay in uu ka shaqeeyo sidii uu u caawin lahaa qoyskiisa isaga iyo walaalihiis ka waaweyn.

Isaga oo la socda qoyskiisa iyo tobanaan kun oo qaxooti ah oo ku wajahan Marinka Gaza, Yaasiin waxa uu dib uga bilaabay waxbarashadiisii ​​dugsiga hoose iyo dhexe ee magaalada Gaza.

Waxa uu macalin bara culuumta Carabiga iyo Islaamka ka ahaa dugsi dawladeed oo ku yaalla Gaza.

Sannadkii 1964-tii ayuu dib u dhameystay waxbarashadiisii ​​dugsiga sare, waxaana uu ka tagay magaalada Gaza isagoo u sii gudbay dalka Masar halkaas oo uu sannad wax ka baranayay Jaamacadda Ain Shams ka hor inta aysan xirin mas’uuliyiinta Masar, taasoo ka mamnuucday inuu dalka soo galo dhaqdhaqaaqiisa Islaamka owgii.

Noloshiisii bulshada

Ahmed yassin wuxuu ahaa aabe dhalay shan wiil oo laba ka mid ah ay dhinteen wax yar ka dib dhalashadooda, iyo siddeed gabdhood, Yassin wuxuu guursaday 1961-kii, waxay ku noolaayeen degaanno kala duwan oo ku yaala marinka Gaza ka hor inta aysan degin xaafadda Al-Sabra ee Marinka Gaza.

Dabeecadihiisii

Yaasiin waxa uu ahaa shaqsi aad looga jecel yahay dadka reer falastiin, waxaana uu caan ku ahaa akhlaaqda iyo qiyamka wanaagsan, waxa uu wajahay nolol qallafsan, isaga oo diiday dhowr dalab oo uu ku hodmi lahaa.

In kasta oo uu curyaan ahaa, Yaasiin waxa uu go’aansaday in uu dhammeeyo waxbarashadiisa oo uu u doodo iska caabinta gumaysiga Israa’iil.

Nin wax garad iyo xikmad badan leh, Yaasiin wuxuu ku guuleystey inuu hoggaamiyo Xamaas oo maareeyo caqabadaha hortaagan qadiyadda falastiin heer walba.

Yasiin ayaa intii uu ku jiray xabsiyada ay Israa’iil maamusho waxa u suurtagashay in uu xifdiyo qur’aanka kariimka ah sannadkii 1990-kii, waxaanu akhriyay kutub badan oo ka hadlaya culuumta Islaamka iyo taariikhda.

Waxa uu aasaasay ururo badan oo islaami ah, waxaanu aasaasay kooxo amni iyo ciidan si ay isaga caabiyaan gumaysiga Israa’iil.

heerarkii noloshiisii

Yaasiin wuxuu naftiisa u huray u adeegida diintiisa, dalkiisa iyo dadkiisa.

Sannadkii 1965-kii, waxa xabsiga u taxaabay muddo bil ah mas’uuliyiinta Masar sababo la xidhiidha dhaqdhaqaaqiisa Islaamka.

Gumeysiga Israa’iil ayaa xabsiga dhigay 1984-kii, waxaana lagu xukumay 13 sano, waxa la sii daayay 11 bilood ka dib wuxuuna qayb ka ahaa heshiis is dhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeyay gumaysiga Israa’iil iyo Jabhadda Xoraynta Falastiin – Taliska Guud.

14-kii Diseembar 1987-kii, waxa uu aasaasay Dhaqdhaqaaqa Iska caabinta Islaamiga falastiin ee Xamaas iyada oo ujeeddadu ahayd kaliya in ay iska caabiyaan qabsashada Israa’iil iyo soo celinta xuquuqda Falastiin.

18-kii Maajo 1989-kii, waxaa lagu xiray olole ballaaran oo xarig ah oo loo geystay hoggaamiyeyaasha Xamaas sababo la xiriira fulinta hawlgallada iska caabinta ee ka dhanka ah gumeysiga Sahyuuniyadda.

Waxaa lagu xukumay xabsi daa’in.

Heshiis dhexmaray Boqorkii Urdun Xuseen iyo maamulka Sahyuuniyadda ayaa Sheekh Yaasiin lagu sii daayay 1-dii Oktoobar 1997-kii, iyadoo lagu beddeshay laba wakiil oo ka tirsanaa Mossad oo Israa’iil laga haystay kuwaasoo ku guuldarreystay isku daygii lagu dili rabay Khaled Meshaal, madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas waqtigaa.

Sheekh Yaasiin waxa uu ka badbaaday laba isku day dil oo ay ku kacday gumaysiga Sahyuuniyadda, mid wuxuu dhacay bishii Ramadaan sannadkii 2002-dii waxa uu ka dhacay Masjidka Al-Rahma ee deegaanka Al-Sabra.

6-dii Sebtembar 2003, Yaasiin wuxuu ka badbaaday isku day lagu doonayay in naftiisa lagu dilo, markii diyaarad dagaal oo F-16 ah oo Israa’iil leedahay ay dhowr gantaal ku dhufatay guri ku yaalla magaalada Gaza, Yaasiin ayaa dhaawac fudud soo gaaray.

guulihiisii ugu muhiimsanaa

Sannadkii 1976-kii, Sheekh Axmed Yaasiin waxa uu ka qayb-qaatay aasaaskii Jimciyadda Islaamka ee Gaza si ay dhaqanka Islaamka ugu faafiyaan bulshada Falastiin hab kasta oo la heli karo.

Sannadkii 1978-kii, Sheekh Yaasiin waxa uu ka qayb-qaatay asaaskii Jaamacadda Islaamiga, 1979-kii waxa uu ka qayb-qaatay asaaskii Jamciyadda Mojamaca Islaamka ee Gaza oo leh ujeeddooyin Islaami ah, dhaqan, bulsho, iyo Isboortis.

Sannadkii 1987-kii, Sheekh Yaasiin waxa uu ka qayb-qaatay aas-aaskii Dhaqdhaqaaqa Iskamcaabbinta Islaamiga ah ee Xamaas, wuxuuna sameeyay Kooxo Amni iyo Milatari oo loo yaqaanno “Mujaahidiinta Falastiin”, waxayna muddo yar ka dib isu bedeshay Guutooyinka loo yaqaan Izzal Din Al-Qassam.

Ka dib markii xabsiga laga sii daayay 1997, Sheekh Yaasiin wuxuu aasaasay “Guddi Dib-u-habeyn” si ay u xalliyaan khilaafaadka bulshada ee dadka iyo kor u qaadida ruuxa jacaylka iyo wadajirka bulshada si loo ilaaliyo awoodda iska caabinta si looga hortago gumeysiga Sahyuuniyadda.

Sannadkii 2000, Sheekh Yaasiin waxa uu ka qayb qaatay aasaaska Dugsiyada Daar Al-Arqam oo uu damacsanaa inay ka qalin jabiyaan jiil Qur’aanka aad u yaqaan.

Shahiid

Dowladda Israa’iil ee xilligaa ra’iisul Wasaare ka ahaa Ariel Sharon ayaa si cad ugu baaqday dilka Shaikh Yasin, dil khiyaano ah ayay ciidamada Israa’iil ku dileen Sheekh Axmed Ismaaciil Yaasiin subaxnimadii Isniinta, March 22, 2004, isaga iyo toddoba qof oo kale oo uu ku jiro Moamen oo uu dhalay Dr. Ibraahim Al-Yazuri oo ka mid ahaa aasaasayaashii Xamaas.

SOURCE: https://hamas.ps/en/post/3968/Sheikh-Ahmad-Yassin


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

One thought on “Wax ka ogow Sheekh Axmad Yaasiin | Aasaasihii ururka xamaas

Leave a Reply