Last Updated on June 20, 2024 by Taariikh24
Magaciisa Muxammad bin Cabdil Wahaab bin Sulaymaan al-Tamiimi, wuxuu ahaa caalim Carab ah oo Islaami ah, fiqi, daaci, dhaqdhaqaaqe iyo hoggaamiye diineed.
Waxa uu dhashay 1115 Hijriyada (1703 miilaadiga) wuxuu ku dhashay magaalada Uyaynah oo ka tirsan dalka sacuudiga, aasaasihii dhaqdhaqaaqa salafiyah, kaas oo isku dayay inuu ku noqdo mabaadi’da Islaamka sidii ay ku dhaqmi jireen saxaabadii iyo taabiciintii(salaf).
Waxbarashadiisii
Waxa uu wax ka bartey aabbihii, Wuxuu bartay akhriska Qur’aanka isagoo aad u yar, wuxuuna ku dadaalay waxbarashadiisa, wuxuuna ka bartay cilmiga Islaamka gacanta Aabihiis, Sheekh Cabdulwahaab bin Suleymaan oo ahaa Faqiih aad u wanaagsan, caali iyo xaakimkii Al-cuyaynah, markii uu qaan-gaaray Sheekhu waxa uu u socdaalay Makkah oo uu wax ka bartay qaar ka mid ah culimadii Al-Xaram-ul-Shariif (Masaajidka Xaramka ee Makkah).
Kadibna waxa uu aaday dhanka magaalada Madina halkaas oo uu kula kulmay culimadii oo uu in mudo ah ku sugnaa, Waxaa wax baray labo culimo oo caan ka ahaa Madina waagaas: Sheekh Cabdullaahi ibnu Ibraahiim bin Sayf Al-Najdy iyo Sheekh Muxammad Xayaat Al-Sanady, Ibnu Cabdulwahaab waxa uu caan ku ahaa in uu arday uu u ahaa labadan culimo, Waxaa laga yaabaa inay jireen culimo kale oo aan annagu garanayn.
Dacwadiiisii
Sheekh Ibnu Cabdulwahaab ayaa u guuray Ciraaq si uu cilmi u raadiyo, Wuxuu aaday Basra oo uu ka kororsaday cilmigii uu awoodo, waxa uu halkaas ka bilaabay dacwadiisii oo uu dadkii ugu baaqay in ay ku dhaqmaan Tawxiidka ( rumaynta kalinimada Alle) oo ay ku dhegaan sunnada (wax kasta oo Nabiga laga wariyey), waxa uu ku dhawaaqay in ay waajib ku tahay qof kasta oo Muslim ah in uu si adag ugu dhaqmo diinta Islaamka si waafaqsan Qur’aanka iyo Sunnada.
Ugu dambayntii waxa uu u guuray Xureymila, Halkaas ayuu degay oo ku mashquulsanaa waxbarashadiisii, baristiisii, iyo daawadiiba ilaa uu aabbihii ka geeriyooday sannadkii 1153-kii Hijriyada, ka dib waxa uu la kulmay dhibaato badan oo uu kala kulmay qaar ka mid ah reer Hureymila’ oo xataa damcay inay dilaan, taasina waxay keentay in Sheekhkha (Alle ha u naxariistee) uu u guuro Al-Uyaynah.
Sababta ay dadku uga cadhoodaan ayaa ah inuu isku dayey inuu wanaagga faro, xumaantana ka reebo, waxa uu xitaa ku booriyay madaxda in ay ciqaabaan dambiilayaasha dadka dhac iyo dhib u geysan jiray, sadkii daalimiinta ahaa ee loo yaqaanay ‘Xidhiyiinta’ markii ay ogaadeen in Sheekhu ka soo horjeedo iyaga iyo camalkooda oo uu madaxda ku boorinayo in la ciqaabo oo xumaantooda la xakameeyo, way cadhoodeen oo waxay damceen inay dilaan, laakiin Alle wuu ka badbaadiyay.
waxa uu u guuray Al-Cuyaynah oo uu wakhtigaas maamuli jiray Cusmaan bin Naasir bin Macmar oo Sheekha ku soo dhaweeyey marti-gelinn una ballan qaaday in uu taageero buuxda iyo kaalmayn la garab taagan yahay Dacwadiisa, sheekhu waxa uu ka shaqeeyay barida, hanuuninta, iyo dacwada.
Wuxuu sii waday inuu dadka ugu yeero wanaagga iyo is jeclaada Alle dartiis, wuxuu caan ka noqday Al-‘Uyaynah wuxuuna soo jiitay dadka tuulooyinka deriska ah.
Markii uu ku soo laabtay magaaladiisii, wuxuu qoray Kitab al-tawxiid (“Kitaabka kalinimada [Ilaah]”), kaas oo ah qoraalka ugu muhiimsan caqiidada salafiyada, mabda’a tawxiidku udub dhexaad u yahay hab fikirkiisa ayaa ku kaliftay dadka raacsan inay isku tilmaamaan muwaxiduun.
Waxbaridda Abdul-Wahāb waxa lagu sifeeyay inay tahay daahirnimo iyo dhaqan oo matalaya waagii hore ee diinta Islaamka, Wuxuu diiday ilaha caqiidada marka laga reebo Quraanka iyo Sunnada, Waxa uu si cad uga soo horjeestay dhaqamada aan ku qotomin labadan ilood, isaga oo ku sifeeyay in ay yihiin wax ku cusub (bid’ah) caqiidada Islaamka, Waxa uu ku adkaystay in haybadii asalka ahayd ee Islaamka dib loo heli karo haddii bulshada Islaamku ay u soo noqoto mabaadiida uu Nabi Muxamed (NNKH) sheegay.
Sidaas darted Caqiidada salafiyada ma ogola ficil kasta oolid ku ah sida shirkiga (shirka), Qurxinta masaajida, xushmada xad dhaafka awliyada iyo tubaakada iyo sigaarka.
waxa uu dadaal badan galiyay wax barida, hanuuninta, iyo dardaaranka dadka Al-Cuyaynah, wuxuu u qoray culimo badan oo uu kaga codsanayo inay taageeraan oo uu la dagaallamo falalka shirkiga iyo khuraafaadka, in badan oo ka mid ah culimada Najd, Al-Xaramayn, Yemen iyo meelo kale ayaa ka soo jawaabay oo waraaqo taageero ah u soo diray, waxaase jiray culumo kale oo isaga khilaafay oo baaqiisa beeniyey, cambaareeyey oo ka fogaaday.
Kuwa isaga khilaafay waxay ahaayeen laba nooc:-
Koox waxay ka koobnayd jaahiliin aan diinta Islaamka iyo tawxiidka waxba ka aqoon oo raaca been abuurka, Shirkiga, Bidcada (ikhtiraacida Islaamka), khuraafaadka iwm.
Dhanka kale kooxda labaad waxay ahaayeen dad aqoon leh, laakiin xaasidnimo iyo madax adayg darteed ayay si xun ugu jawaabeen Sheekha, waxay ka baqayeen in dadku ay su’aalaan daacadnimadooda, oo ay isweyddiiyaan sababta ay uga aamuseen iyaga oo aan dadka uga digayn xumaantaas ilaa uu soo baxay Ibnu Cabdulwahaab oo uu soo bandhigay Al-xaq.
Markii wacdigii caqiidadaas ay keentay khilaaf, Cabdil Wahhab waxaa uu kasoo guurey Cuyaynah 1744, Kaddibna wuxuu degay Al-Diirciyah caasimaddii Muxammad bin Sucuud oo ahaa hogaamiyihii Najd (hadda Sacuudi Carabiya) iyo awoowihii boqortooyada Sucuudiga.
waxa uu aaday guriga qof ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu wanaagsan halkaas, magaciisu waxa la odhan jiray Muxammad ibnu Swaylim Al-Ariny, waxaa la sheegay in qofkani uu dareemay cabsi markii uu sheekhu soo galay gurigiisii, wuxuu ka baqay amiirkii Al-Diirciyah Muxammad ibnu Sacuud laakiin sheekhii ayaa niyadda ugu qaboojiyay isagoo ku yidhi ” ku farxa, maxaa yeelay waxaan ugu baaqayaa Islaamka, waxaana hubaal ah in Alle uu guul ku dhameyn doono”.
Muxammad bin Sacuud waxa uu maqlay imaatinka Sheekh Ibnu Cabdulwahaab, wuuna qaatay waanadii maxaa yeelay Alle ayaa u qaddaray farxad iyo khayr (Alle ha u naxariistee), amiirku waxa uu u tagay sheekha gurigii Muxamed ibnu Swaylim wuu salaamay.
Wuxuu ku yidhi, “Sheekh Muxamed! U bishaareyso taageerada, amniga, iyo gargaarka.”, Amiirkii ayaa yidhi, “Sheikhow! Waxaan idiin ballan qaadayaa in aad u hiilin doontaan Diinta Alle iyo Rasuulkiisa iyo Jihaadka waxaanse ka baqayaa in haddii aan idin taageerno oo Alle idinka dhigo kuwii cadawga Islaamka idinka ka adkaan lahaa in aad meelo kale nooga tagtaan”, Sheekhii wuxuu ku jawaabay, “Waxaan ballan qaadayaa inaanan yeeli doonin, dhiigna dhiig buu u daadanayaa, halaagna waa halaag, waligey ka tagi maayo dalkaaga.”.
waxa uu ballan qaaday in uu u hiilin doono Amiirka, dalkiisana uu joogi doono, oo uu kaalmayn doono, oo uu la Jihaadinayo ilaa uu Islaamku ka adkaanay, dadku waxay ku soo qulqulayeen Al-Diirciyah meel kasta, iyagoo ka yimid Al-Cuyaynah, Riyaad iyo meelaha kale ee deriska la ah, Al-Dirciyah waxay ahaan jirtay meel ay dadku usoo haajiraan meel walba.
Dadku waxay maqleen sheekhii, muxaadarooyinka uu ka jeediyay Al-Dirciyah iyo dacawadiisii, Sheekhu wuxuu degay Al-Dirciyah halkaas oo lagu ixtiraami jiray, lagu jeclaa, laguna taageeri jiray, waxa uu ka jeediyay Muxaadaro ku saabsan Caqiidah (caqiidada), Qur’aanka, Tafsiirka (Macnaha Qur’aanka), Fiqhi (Fiqhiga Islaamka), Xadiiska iyo Mustalahdiisa (Terminology), Luuqadda Carabiga, taariikhda, iyo cilmiga kale ee waxdhisaya.
Markii uu Sheekhu ku caan baxay dacawaddiisa oo qoraalladiisii qiimaha badnaa ay dadku si weyn u jeclaysteen, waxa soo baxay kooxo oo ka soo horjeeda, cadawgiisii iyo kuwii ka soo horjeeday waxa ay u kala qaybsameen laba qaybood oo kala ah koox magac diin iyo aqoonba ka soo horjeeday, qolo kalena waxay ka soo horjeesatay magac siyaasadeed oo ku dhuuntay aqoon iyo diin, mararka qaar dadka ka soo horjeeda waxay ku andacoonayaan inuu ka tirsan yahay Al-Khawaarij.
Sidaa darteed dagaal afka, doodo iyo loolan ayaa dhex maray Sheekha iyo kuwii ka soo horjeeday, arrintaasi waxay dhex martay wiilal uu dhalay, kuwo uu awoowe u ahaa iyo taageerayaashiisa oo dhinac ah iyo kuwii ka soo horjeeday baaqa Islaamka.
Sheekhu waxa uu horay ugu sii hormaray dacawadiisii (Islaamka ugu baaqaya) iyo Jihaadka (la dagaalanka ama ku jihaynta Jidka Alle) oo uu ku taageeray Amiir Muxammad bin Sacuud isla markaana ahaa awoowgii qoyska Boqortooyada Sucuudiga.
Jihaadka wuxuu bilaabay sannadkii 1158-kii Hijriyada isagoo seef iyo hadal ah, markaas ayuu ku sii socday Jihaadka seefta.
Waxaa la wada ogsoon yahay in hubku uu waxtar u yeelan karo fidinta diinta Islaamka, caburinta dadka ka soo horjeeda, ilaalinta xaqa iyo beeninta beenta, Eebana waa run badane, wuxuuna yidhi (Subxaanahu Wa Tacaalaa): “Waxaan dhab ahaan ula dirnay Rasuuladannada xujooyin, waxaana ku soo dejinnay agtooda Kitaab iyo Caddaalad si ay dadku u dhawraan caddaalad * Waxaana ka soo bixinnay Bir ay ku jirto xoog weyn iyo Faa’iidooyin badan oo Dadka u sugnaaday, si uu Eebe u imtixaamo Cidda u gargaari isaga iyo Rasuulkiisa iyagoo maqan, Eebana waa xoog badane adkaade. [al-Xadiid: 25].
Geeridii Sheekha (Alle ha u naxariistee) ka dib, wiilashiisii iyo kuwii uu awoowga u ahaa, xertiisii iyo taageerayaashiisii ayaa ku sugnaa Dacwada iyo Jihaadka, wiilashiisa waxaa ugu sarreeyey Sheekh Cabdullaahi ibnu Muxamed, Sheekh Xuseen ibnu Muxamed, Sheekh Cali ibnu Muxamed, Sheekh Ibraahim ibnu Muxamed, waxaana xertiisa ka mid ahaa Sheekh Xamad bin Naasir bin Macmar iyo koox ay ku midoobeen culumadii Al-Diririyah, dhammaantood iyo qaar kaleba waxay qaadeen dariiqii Dacwada iyo Jihaadka, iyagoo faafinayey diinta Alle (Subxaanahu wa Tacaalaa), kuna qoreen Maqaallo iyo Kutub iyo la dagaalanka cadawga Islaamka.
Sacuud iyo xertiisii waxay si nabad ah ku soo galeen dalka oo ay qabsadeen magaalada Makkah aroornimadii sabtidii 8-dii Muxaram 1218-kii Hijriyada, waxayna hoos u dhigeen qubbadihii laga dhisay qabrigii Khadiija (Alle haka raalli noqdee) iyo kuwo kale, waxay meesha ka saareen dhammaan qubadihii laga dhisay qubuuraha waxayna ku baaqeen Tawxiid.
Waxay magacaabeen macalimiin, hagayaal iyo garsoorayaal ku dhaqma shareecada, mMuddo yar ka dib, Madina waxa qabsaday Al Sacuud sannadkii 1220-kii Hijriyada, laba sano ka dib markii ay Makka qabsadeen. Al-Xaramayn Al-Sharifayn waxa ay ku hadheen xukunkii Al-Sacuud, halkaas oo macalimiin iyo hagayaal lagu magacaabi jiray, caddaaladdu way ka adkaan jirtay, xukunkii shareecadana la doonayey.
Waxay u naxariisteen dadka, gaar ahaan kuwa masaakiinta ah, lana baray kitaabka Alle, wanaagna lagu hanuuniyey, waxayna xushmad iyo qadarin u hayeen culimada oo ay ku dhiiri galiyeen inay kor u qaadaan waxbarashada iyo hanuuninta.
Al-Xaramayn Al-Sharifayn waxa uu ku hadhay taliskii Al-Sacuud ilaa sannadkii 1226-kii Hijriyada, kadibna ciidamadii Masar iyo kuwii Turkiga waxay u jiheysteen dhinaca Al-Xijaaz si ay ula dagaallamaan Al-Sacuud, taasi waxay sababtey inuu dhaco dagaal u dhexeeya Masar iyo Turkiga oo dhinac ah iyo Al Sacuud iyo Xijaas oo dhinaca kale ah sanadkii 1226 ilaa 1233 ee Hijriyada.
Caruurtii Sheekh Ibnu Cabdil Wahaab
Sheekh Muxamed wuxuu dhalay tiro wiilal iyo gabdho ah, wiilashiisa: Hussein, Abdullah, Hassan, Ali, Ibrahim iyo Abdul-Aziz, qaar ka mid ah wiilashiisii waxay noqdeen garsoorayaal aabbahood ka dib, Xitaa hadda, wiilashiisa, midba midka kale, ayaa xilal diimeed ka haya Sacuudi Carabiya.
Qaar ka mid ah waxqabadkiisii
In kasta oo uu Sheekh-ul-islaam Muxammad bin Cabdulwahaab ahaa nin Daaci ah, haddana waxa uu ku hawlanaa qorista, qaar ka mid ah shuqulladii uu caanka ku ahaa waa kuwa soo socota.
- Kitaab At-Tawxiid
- Kitaab AI-Kabaair
- Kashf Ash-Subhat
- Mukhtasar Seerat Ar-Rasool
- Masail Al-Jaahiliyah
- Usuul Al-Iman
- Fadail Al-Qur’an
- Fadail Al-Islaam
- Majmu’ Al-Axadith
- Mukhtasar Al-Insaf wa Ash-Sharh Al-Kabeer
- Al-Usool Ath- Thalatha
- Aadab Al-Mashi ila As-Salat
Geeridii sheikh ibnu cabdiwahaab
Sheekhu wuxuu noloshiisii oo dhan u huray dacwada iyo Jihaadka si daacad ah oo uu ugu hiiliyay Muxammad bin Sucuud iyo wiilkiisa Cabdul-Casiis oo ahaa madaxdii darciya, wuxuu naftiisii u dambaysay qaatey sanadkii 1206 H (1792 Miilaadiga).
Qofnimadiisii
Waxaa lagu yiqiin in uu ahaa qof aad u khushuucsan oo dadka ay jecel yihiin, Ibnu Bishr wuxuu yidhi:- “Maanu maqal qof isaga uga jilicsan ama uga naxariis badan ardayda.”.
Wuxuu kaloo uu ahaa mid deeqsi ah oo fudud, marna ka cabsan faqriga oo aan waligiis soo jiidan hodantinimada dunidan, in kasta oo uu isagu ahaa hormuudka ruuxiga ah iyo macallinka, haddana wax gunno ah kama qaadan jirin khasnadda dawladda, wax kasta oo hanti ah oo uu helo wuu qaybin jiray oo inta badan deyn baa lagu lahaa, taasoo ay ugu wacan tahay xannaanaynta ardayda, martida iyo dadka safarka ah, markuu dhintay, ma uusan ka tagin wax hanti ah.
Ibnu Bishr wuxuu qoray: :”Ibnu Cabdulwahaab wacnaantiisa iyo wanaagiisa aad bay u badan tahay oo aan la tirin karin oo ka caan ah in la sheego, haddii aan arrimahaas faahfaahin ka bixiyo, bogaggu kuma filna waxaa ku filan wanaagiisa in uu bidco ka saaray, muslimiintiina la midoobey, salaaddii jameecada iyo jimcaha oo la tukaday, diintii dib loo soo nooleeyay, xididdada shirkiga ayaa la jaray .
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.