Wax ka ogow taariikhda xamsa cabdi barre – ra’iisul wasaaraha soomaaliya

Last Updated on November 30, 2023 by Taariikh24

Mudane Xamza Cabdi Barre waa Ra’iisul Wasaarihii 21-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa 14-kii June 2022 magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaana la ansixiyay 25 June 2022, Barre ayaa sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa 28-kii December 2021 lagu doortay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Xamse Cabdi Barre waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose horraantii 1970, dadka yaqaana waxey ku tilmaamaan shakhsi asluub badan oo af gaaban, farsamo yaqaan shaqo badan, go’aan qaadashada ku fiican.

xamze waa xaas leh siddeed carruur oo shan ay wiilal yihiin seddaxna gabdho yihiin.

waxbarashadiisa

Waxbarashadiisa aasaasiga ah, dugsiga hoose, dhex iyo sare waxa uu ku qaaday gudaha dalka, Ra’iisul wasaare Xamza waxa uu shahaadada MBA ee maamulka ka qaatay International Islamic University of Malaysia (2009), halka BA oo takhasuska maamulka ka qaatay Jaamacadda Sayniska iyo Tignoolajiyada ee Yemen (2001).

Xilalkii uu soo qabtay

Ra’iisul wasaare xamza ayaa horay xilal kala duwan ugu soo qabtay qaranka, wuxuu soo noqday guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubaland (2019-2020).

La taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka (2015-2019).

La taliye sare oo dhinaca maamulka ah ee Duqa Muqdisho (2014-2015).

Ra’iisul wasaare Barre waxa kale oo uu soo noqday Xoghayihii hore ee Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (2011-2017) oo hadda ah Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka – UPD) oo uu hoggaamiye ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Doorkiisa dhinaca waxbarashada

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waqtigiisa uu u huray horumarinta bulshada gaar ahaan dhanka waxbarashada, Waa aas aasihii Jaamacadda Kismaayo oo uu ka soo noqday guddoomiye ku xigeenka dhanka waxbarashada, ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo noqday Ku Xigeenka Diiwaangelinta Guud iyo Macallin Sare Jaamacadda Muqdisho.

Waxyaabihii kale ee muhiimka ahaa ee uu ku soo kordhiyey waxbarashada Soomaaliya waxaa ka mid ahaa doorkiisii ​​Xoghayaha Guud ee (FPENS 2003-2004).

Mr. Barre waxa kale oo uu ahaa aqoonyahan, cilmi baare, iyo aqoonyahan ka soo shaqeeyay machadyo cilmi baaris oo kala duwan oo ay ku jiraan Al-Shahid Center for Research and Media Studies (Somalia) iyo CPS, International Islamic University (Malaysia).

Muxuu ka yiri Xamaas

Ra’iisul wasaare xamza waxyaabaha go’aanka adag uu ka qaatay waxaa ka mid ah ururka xamaas oo dowladaha reer galbeedka iyo qaar ka mid ah dowladaha carabta ay u aqoonsan yihiin urur argagaxiso, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Xamaas aysan ahayn Argagixiso


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply