Last Updated on November 2, 2024 by Taariikh24
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo ku magac dheer Cabdiraxmaan Cirro wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland 29 Abril sanadkii 1955, aabihii wuxuu ahaa askari ka tirsanaa ciidankii Ingiriiska ee xilligaa Somaliland Joogey.
Waxbarashadiisii dugsiga hoose wuxuu ku qaatay magaalada Berbera, dugsiga dhexe wuxuu ku qaatey Hargeysa iyo Burco, Ka dib wuxuu u wareegay dugsiga sare ee caanka ah ee magaalada sheekh oo uu dhamaystay 1977, markii uu dhameeyey dugsiga sare ka dib wuxuu u wareegey magaalada Mogadishu, shahaadada MBA ayuu ka qaatey kulliyadii SIDAM ee ku taalay magaalada Mogadishu.
Meeshii ugu horeysay uu ka shaqo bilaabey waxay aheyd hay’ad la oran jiray horumarinta danwadaagaha ee muqdisho wuxuuna ka shaqeynayey mudadii u dhaxaysay 1978 ilaa 1981, sanadkii 1981 wuxuu ku biirey shaqaalaha wasaaradda arimaha dibadda wuxuu ahaa dibloomaasi ka shaqeynayey waaxda iskaashiga dhaqaalaha.
Cabdiraxmaan Cirro bishii May 1988 ilaa iyo 1996 wuxuu ahaa la taliyaha safaaradda markii dambana noqdey ku xigeenka danjiraha iyo sii hayaha safaaradii soomaaliya ee magaalada Moosko dalka Ruusha.
Sanadkii 1997 ilaa 1998 wuxuu ahaa hanti dhowrihii waaxda socdaalka ee wadanka finland sidoo kale wuxuu ahaa caawiyaha IOM ee wadanka finland ee qaabilsan socdaalka.
Burbburkii dowladda ka dib Wuxuu u guuray Cabdiraxmaan Cirro dalka Finlad oo uu joogay ilaa iyo 1999 oo uu ku soo labtay Somaliland, sannadii 2000 Cabdiraxman Cirro wuxuu ka mid noqday Aasaasayaashii xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo uu ku xigeenka xoghayaha guud ka soo noqday.
Doorashadii baarlamaanka Somaliland ee September 2005 ayaa Cabdiraxmaan Cirro ka mid noqday xubnihii laga soo doortay gobolka Saaxil ee Berbera ka dibna waxaa baarllamaanka Somailand ay u doorteen Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi gudoomiyaha baarlamaanka.
Wuxuu gudoomiyaha baarlamanka Somaliland uu ahaa muddo 12sano ah, bishii August 2, 2017 ayuu iska casilay jagadii gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland isagoo ku sababeeyey inuu isku diyaarinayo kaalin ka mug weyn xilkaas oo ah hogaamiyaha Somaliland.
Bishii October 2, sanadii 2011 Cabdiraxman Cirro wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga mucaaradka ah ee Waddani kadib markii ay isku dhaceen oo maxkamad isla galeen gudoomiyaha xisbiga UCID, 2017 wuxuu ahaa musharixii la tartamey Muuse Biixi Cabdi isagoo helay 40.73% codadkii la dhiibtey.
Cabdiraxman Cirro hadda waa murashax madaxweyne ee doorashada la filayo inay dhacdo bisha November ee nagu soo aadan wuxuuna matalayaa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.
Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi waa Xaasle dhalay shan caruur ah oo wiilal wada ah.
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.