Taariikh nololeedka Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro)

Last Updated on November 20, 2024 by Taariikh24

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cigaal oo ku magac dheer Cabdiraxmaan Cirro waa madaxweynihii lixaad ee maamulka Somaliland, wuxuu ku dhashay magaalada Hargeisa ee caasimadda maamulka Somaliland 29 Abril sanadkii 1955.

Waxbarashadiisa

Waxbarashadiisii iskuulka fasalka koowaad ilaa afaraad wuxuu ku qaatay magaalada Berbera, fasalka shanaad iyo lixaadna wuxuu ku qaatey Hargeysa gaar ahaan dugsiga caanka ah ee Axmed Gurey, fasalka todobaad wuxuu ku qaatey magaalada Burco.

Ka dib wuxuu u wareegay dugsiga sare ee caanka ah ee magaalada sheekh oo uu dhamaystay 1977, markii uu dhameeyey dugsiga sare wuxuu galey dugsigii la oran jirey Xalane oo lagu tababari jirey ardeyda dugsiga sare dhameysatey , wuxuu hal sano ku shaqeynayey macalinnimo.

Ka dib wuxuu u wareegey magaalada Mogadishu wuxuu galey kulliyadii SIDAM ee ku taalay  magaalada Mogadishu wuxuu ku qaatey labo sano oo Post-secondary ah, ka dibna wuxuu shahaadada shahaadada koowaad oo uu ka diyaariyey Accounting, Ka dibna wuxuu qaatey shahaadada MBA oo ay wadey University at Albany – State University of New York.

Burburkii ka hor

Meeshii ugu horeysay uu ka shaqo bilaabey waxay aheyd hay’ad la oran jiray horumarinta danwadaagaha ee muqdisho wuxuuna ka shaqeynayey mudadii u dhaxaysay 1978 ilaa 1981, sanadkii 1981 wuxuu ku biirey shaqaalaha wasaaradda arimaha dibadda wuxuu ahaa dibloomaasi ka shaqeynayey waaxda iskaashiga dhaqaalaha.

Cabdiraxmaan Cirro bishii May 1988 ilaa iyo 1996 wuxuu ahaa la taliyaha safaaradda markii dambana noqdey ku xigeenka danjiraha iyo sii hayaha safaaradii soomaaliya ee magaalada Moosko dalka Ruusha.

Burburkii ka dib

Burbburkii dowladda ka dib Wuxuu u guuray Cabdiraxmaan Cirro dalka Finlad oo uu joogay ilaa iyo 1999, sanadkii 1997 ilaa 1998 wuxuu ahaa hanti dhowrihii waaxda socdaalka ee wadanka finland sidoo kale wuxuu ahaa caawiyaha IOM ee wadanka finland ee qaabilsan socdaalka.

 Wuxuu dalka dib uu ugu soo laabtey 1999, sannadii 2000 Cabdiraxman Cirro wuxuu ka mid noqday Aasaasayaashii xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo uu ku xigeenka xoghayaha guud ka soo noqday.

Doorashadii baarlamaanka Somaliland ee September 2005 ayaa Cabdiraxmaan Cirro ka mid noqday xubnihii laga soo doortay gobolka Saaxil ee Berbera ka dibna waxaa baarllamaanka Somailand ay u doorteen Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi gudoomiyaha baarlamaanka.

Wuxuu gudoomiyaha baarlamanka Somaliland uu ahaa muddo 12sano ah, bishii August 2, 2017 ayuu iska casilay jagadii gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland isagoo ku sababeeyey inuu isku diyaarinayo kaalin ka mug weyn xilkaas oo ah hogaamiyaha Somaliland.

Hogaamiyaha Somaliland

Bishii October 2, sanadii 2011 Cabdiraxman Cirro wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga Waddani kadib markii ay isku dhaceen oo maxkamad isla galeen gudoomiyaha xisbiga UCID, 2017 wuxuu  ahaa musharixii la tartamey Muuse Biixi Cabdi isagoo helay 40.73% codadkii la dhiibtey.

Cabdiraxman Cirro ayaa mar kale u tartamey jagada madaxweyne ee doorashadii dhacday 13kii November 2024 wuxuuna matalayay xisbiga Waddani, Cabdiraxman Cirro ayaa guul weyn ka gaarey doorashadaa isagoo helay 407,908 votes (63.92%) halka Muuse Biixi oo la tartamayey uu helay 225,519 votes (34.81%).

Qoyskiisa

Sida uu sheegay wuxuu ka dhashay qoys ka kooban 7 gabdhood iyo seddax wiil, aabihii wuxuu ahaa askari ka tirsanaa ciidankii Ingiriiska ee xilligaa Somaliland Joogey, alle ha u naxariistee hooyadii waxaa la oran jirey Aamino Jaamac Canshuur waxay geeriyootey markuu fasalka koowaad ahaa.

Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi waa Xaasle dhalay shan caruur ah oo wiilal wada ah,


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Ads Blocker Image Powered by Code Help Pro

Ads Blocker Detected!!!

We have detected that you are using extensions to block ads. Please support us by disabling these ads blocker.