Last Updated on December 27, 2024 by Taariikh24
Nagaraju Shiva Puttaswamy oo loo yaqaan Dr. Shiva Rajkumar wuxuu dhashay July 12, 1962, waa jilaa Hindi ah iyo soo saare ka shaqeeya masraxyada madadaalada Kannada, waxa uu ku dhashay Madras (hadda loo yaqaan Chennai) Tamil Nadu, waana curadka shan carruur ah oo ay dhaleen jilaagii caanka ahaa Rajkumar iyo soo saare filimada Parvathamma Rajkumar.
Waxbarashadiisa
Shiva Rajkumar waxa uu dugsigiisa ku qaatay T. Nagar (Thyagaraya Nagar), Chennai, ka dibna waxa uu wax ka bartay New College, Chennai, markii uu dhammeeyey Collegeka, waxa uu ku biiray dugsi lagu barto jiliinka oo ku yaalla Chennai.
Waxa uu 1983 ka qalin jabiyay Bachelor of Science in Chemistry Jaamacadda Madras, Shiva Rajkumar waxa uu 2014 ka helay Vijayanagara Sri Krishnadevaraya University of Bellary shahaado sharafeed PhD ah, wuxuuna qaatay magaca Dr. Shiva Rajkumar.
Jilista filimada
Shiva Rajkumar filimkii ugu horeeyey ee uu ka soo muuqdo wuxuu ahaa filimkii Shri Srinivasa Kalyana (1974) wuxuu ku lahaa door yar, sannado ka dib, wuxuu ka soo muuqday fanka filimka Kannada isagoo jilay filimkiisii ugu horeeyey ee uu atoore ka ahaa waana filimka Anand (1986).
Filinka waxaa soo saarey hooyadii Parvathamma Waxqabadkiisii filimkii Anand ayuu ku mutaystay Abaalmarinta Cinema Express Award ee Jilaaga ugu Wanaagsan.
Wuxuu taageerayaashiisa uu ka helay magaca ‘hat-trick hero’ ka dib seddexdii filim ee ugu horeysay, Anand (1986), Ratha Sapthami (1986), iyo Manamecchida Hudugi (1987), dhamaantood waxay ahaayeen superhits.
Filimadiisii kale, sida Janumada Jodi (1996), Nammoora Mandaara Hoove (1996), AK 47 (1999), Jogi (2005), Bhajarangi (2013), Shivalinga (2016), Mufti (2017), iyo Tagaru (2018) waxay ahaayeen kuwa guuleystay waxayna ahaayeen blockbusters.
Filimkiisa Om (1995) oo uu director ka ahaa Upendra, ayaa weli laga daawanayaa shaleemooyinka, sanadkii 2023 taageerayaashiisu waxay sugayeen muuqaalkiisii ugu horreeyay ee filim ka baxsan shineemooyinka Kannada, wuxuuna ka soo muuqday filimkii Tamil Jailer oo soo baxay August 10, 2023.
Shiva Rajkumar wuxuu kaloo ku lug lahaa soo saarista taxanaha TV-ga ee Manasa Sarovara iyo soo saarista taxanaha Hate You and Honeymoon, Waxa uu ka soo shaqeeyay in ka badan 125 filim, filimkiisii ugu dambeeyey waa Bhairathi Ranaga, waxaa la sii daayey November 15, 2024, waa film box office noqday.
Bhairathi Ranagal waa hordhaca filimka Mufti ee December 1, 2017 oo Blockbuster-ka noqday, filimka Mufti ayaa ka bilaabanayey Shiva oo hogaanka koox dambiilayaal ah, filimka Bhairathi Ranagal wuxuu sharaxayey noloshii hore ee ranagal iyo sida uu Ranagal isugu bedelay madaxa koox dambiilayaal ah oo dagaal badan.
Abaal marinadiisa
Shiva Rajkumar wuxuu ku guuleystey afar abaal marin oo Filmfare Awards qeybta atooraha ugu wanagsan, wuxuuna ka kala helay filimada Om sanadkii 1995, Nammoora Mandara Hoove sanadkii 1997, A.K. 47 ee 2000, iyo Thamassu ee 2011.
Wuxuu sanadkii 2011 uu qaatay qaataha NTR National Award, wuxuu helay Abaalmarinta SIIMA ee Mas’uuliyadda Bulshada 2012.
Qaliin ayuu galay
Sida ay qortey indianexpress Shiva Rajkumar waxa uu maraykanka uu ku galay qaliin lagaga saaray kansarka kaadi haysta; qoyskiisu waxay yiraahdeen, ‘Hadda xaaladiisu waa wanaagsan tahay’.
Qaliinka ayaa arbaco dhacay December 25, 2024, qaliinka lagu sameeyay ayaa ahaa mid lagu guuleystay, waxaana hadda uu yahay mid degan oo si wanaagsan u soo kabanaya, sida ay sheegeen qoyskiisa iyo dhakhaatiirta, sida laga soo xigtay Dr Murugesh Manoharan, kaadi hays macmal ah ayaa lagu sameeyay mindhicirka Shiva, haatanna wuu fiican yahay.
Qoyskiisa
Shiva aabihiis oo la oran jirey Singanalluru Puttaswamaiah Muthuraj oo loo yaqaanay Dr. Rajkumar wuxuu ahaa jilaa caan ah wuxuu geeriyoodey April 12, 2006, hooyadiina waxaa la oran jirey Parvathamma Rajkumar waxay aheyd film soo saare, waxay geeriyoodey May 31, 2017.
Afkiisa hooyo waa Kannada, labadiisa walaalo Raghavendra Rajkumar waa filim soo saare, Puneeth Rajkumar wuxuu ahaa jilaa caan ah wuxuu geeriyoodey October 29, 2021, waxaa kaloo la dhashay laba gabdhood oo lagu kala magacaabo Poornima, Lakshmi.
Shiva Rajkumar wuxuu sanadkii 1986 uu guursaday Geetha Shivarajkumar oo ah gabadh uu dhalay wasiirkii hore ee Karnataka, Sarekoppa Bangarappa, waxay isku dhaleen laba gabdhood: Nivedtha iyo Nirupama.
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.