Taariikhda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Last Updated on December 30, 2022 by Taariikh24

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waa madaxweynaha soomaaliya ahna madaxweynihii sagaalaad ee soomaaliya yeelato, farmaajo wuxuu ku dhashay magaalada Mogadishu gaar ahaan degmada waaberi bisha maarso sanadkii 1962, wuxuu dugsiga dhexe uga baxay iskuulka 1da Luuliyo, halka dugsiga sare uu ku qaatey dugsiga farsamada gacanta ee lafoole, farmaajo waa aqoonyahan soomaaliyeed oo muddo dheer daganaa magaalada New York ee dalka mareykanka, noloshiisa inta badan wuxuu kusoo qaatey dalka dibaddiisa, farmaajo hadda waa aabe dhaley afar caruur.

Wuxuu shahaadada  koowaad ee B.A  iyo tan labaad ee M.A ka qaatey jaamacadda new York ee ku taalla buffalo sanadihii 1997 iyo 2000.

Madaxeyne farmaajo waa aasaasaha xisbiga Tayo oo la aasaasay 2012.

Farmaajo qoyskiisa waxay kasoo jeedaan maamul goboleedka jubbaland gaar ahaan gobolka gedo balse wuxuu caan ka ahaa degmada waaberi ee gobolka banaadir oo uu ku dhashay.

Waalidiinta maxamed cabdullaahi farmaajo waxay xiriir la lahaayeen ururkii gobonimo doonka ahaa ee SYL, intii lagu gudo jirey 1970-yadii farmaajo aabihiis wuxuu ahaa shaqaalo dowladeed oo ka tirsanaa waaxda gaadiidka qaranka.

Shaqooyinkii uu soo qabtey waxaa ka mid ah agaasime guud oo ayuu kasoo noqdey hay’adda u dooda xuquuqda bulshada sanadkii 2002.

1981 wuxuu shaqo ka bilaabey wasaaradda arimaha dibadda, waaxda maaliyadda iyo maamulka.

1994 ilaa 1997 farmaajo waxaa loo doortey inuu noqdo wakiilka guud ee maamulka iyo guryeynta degmada buffalo.

Wuxuu ka soo shaqeeyey safaaradda soomaaliya ee dalka mareykanka sanadihii 1986 ilaa 1989 isagoona ahaa xoghayaha labaad.

2015 wuxuu bare ka noqdey Erie college oo ku yaalo buffalo.

1994 wuxuu ka mid noqdey golaha dhexe ee xisbiga dimuquraadiga mareykanka.

Bishii 14 October 2010 waxaa loo magacaabey ra’iisul wasaaraha soomaaliya, isla bishii october 31keeda 2010 baarlamaanka soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey ra’iisul wasaare farmaajo.

Xilligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa waxa uu ku guuleystey bixinta mushaaraadka ciidanka xoogga iyo shaqaalaha dowladda.

Wuxuu kaloo ku guuleystay xilligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa in uu gacanta ku dhigo boqolkiiba lixdan caasimadda Mogadishu oo xilligaa alshabaab ay heysteen.

Hase ahaatee dhowr bilood ka dib waxaa khilaaf soo kala dhexgaley ra’iisul wasaare farmaajo, madaxweynihiisa shariif sheikh axmed iyo afhayeenkii baarlamaanka shariif xasan sheikh, khilaafka ayaa salka ku hayey qabashada doorashada august 2011.

19kii bishii June 2011 ra’iisul wasaare farmaajo ayaa xilka iska casiley ka dib heshiis lagu soo gaarey Kampala dalka Uganda.

Doorashadii 8 – February-2017 dhacdey ayuu madaxweyne farmaajo ku guuleystey inuu noqdo madaxweynihii sagaalaad ee soomaaliya.

wuxuu tartan adag la galey labadii madaxweyne ee ka horeeyey oo kala ah xasan sheikh iyo shariif sheikh axmed, wuxuu kusoo baxay wareegii labaad ka dib markii uu tanaasuley xasan sheikh oo ay wareega seddexaad isla aadi lahaayeen.

Madaxweyne farmaajo wuxuu 23 – February – 2017 ra’iisul wasaare u magacaabey xasan cali kheyre, balse seddax sano ka dib xasan cali kheyre ayaa is casiley ka dib khilaaf soo dhexgaley isaga iyo madaxweyne farmaajo wuxuuna xilka ka tagey 26 – july – 2020, madaxweyne farmaao ayaana xilka ra’iisul wasaare u magacaabey maxamed xuseen rooble ra’iisul wasaaraha soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa xilka kaga guuleystey madaxweyne xasan sheekh oo mar kale xilka kusoo noqdey 2022 – may- 15.

farmaajo wuxuu si rasmi ah xilka u wareejoyey 23 may 2022.

maalintii xilwareeinta 23/5/2022 madaxweyne farmaajo wuxuu jeediyey khudbad kooban oo ku saabsan xaaladda dalka:-


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply