Taariikh Nololeedkii Sheekh Cumar Faaruuq

Sheikh Cumar Xaaji Cabdi Suldaan Xaaji Maxamuud oo loo yaqaano sheikh Cumar Faaruuq waxa uu ku dhashay magaalada  Carmaale (Qooxley) oo ka tirsan magaalada Qallaafe ee dhulka Soomaali Galbeed sanadkii 1949, sheekhd ayaa aabihii geeriyooday isagoo 3sano kaliya jira halka hooyadiina geeriyootay isagoo 5sano jir ah.

Waxaa markaa Sheekh Cumar Faaruuq soo koriyey ayeeyadiis hooyo Cibaado sheikh Axmed iyo walaalihiis ka waaweynaa, walaalihiis oo aad ugu xeeldheeraa diinta iyo naxwaha carabiga ayaa gacanta ku qbtay, wuxuu Qur’aanka dhameeyey isagoo 11sano jir ah waxaana Qur’aanka u dhigay abtigii hooyadii la dhashay macalin Xuseen sheikh Axmed guure.

Waxbarashadiisa

Ka dib wuxuu bilaabay barashada shareecada islaamka sida fiqida, tafsiirka iyo axaadiithta rasuulka (NNKH) iyo culuumta luuqadda carabiga, walaalkii Shaafici ayuu inta badan ka qaatay cilmiga naxwaxa, wuxuu isagoo da’ yar ka soo tagay magaalada qallaafe wuxuuna aaday magaalada Mogadishu, wuxuu ka mid noqday xertii kitaabada ka raacan jirtey magaalada.

Wuxuu mar kale uu fursad u helay inuu barto axaadiithta isagoo ka bartay sheekhii caalimka ahaa ee Sheekh Ibraahim Muxumed Cali (Ibraahim Suuley), tafsiirkana wuxuu ka qaatay sheikh Cabdikariin Sheekh Khaliif.

Ka dib wuxuu galay dugsi islaami ah oo masaaridu gacanta ku haysay wuxuuna ku dhameeyey ilaa dugsiga dhexe ka dibna wuxuu galay machadka Altadaamun al Islaamiyah, ka dib wuxuu aaday dalka Sacuudiga isagoo ku guuleystay inuu wax ka barto jaamacadda islaamiga ah ee ku taal magaalada barakeysan ee Madiina.

wuxuuna ka qalin jabiyey 1979kii, wuxuu ka bartay kuliyadda Al-Dacwa wa-usuula-Diin, Sheekh Cumar Faaruuq Jaamacadda markii uu dhameeyey waxa uu bilaabay faafinta diinta Islaamka isagoo dagay dalka Sacuudiga gaar ahaan magaalada Jeddah.

 Faafinta dacwada iyo Tafsiirka

Sheekh Cumar faaruuq inkastoo uu diinta guud ahaan si weyn u yaqiinay hadana wuxuu ku caan baxay tafsiirka Qur’aanka kariimka, wuxuuna ahaa sheekhii ugu horeeyey ee taariikhda soomaalida ee cod ahaa tafsiirka cajalado ugu duubay sanadkii 1982 oo safaarada soomaalida ee dalka Sacuudiga uu ku qabtay album-kii ugu horeeyey oo tarjumada Qur’aanka kariimka.

Misaajidii uu tafsiirka sida weyn uga aqrin jiray sheekha waxa ka mid ahaa Misaajidka Ibraahim uunlaaye oo ku yaal degmada Dharkeynlay ee magaalada Moqdisho, waxaana sheekha la sheegaa in culimada kale ee Soomalida uga duwanaa xaga tafsiirka Qur’aanka isagoo ahaa nin afsoomaliga aad u yaqaanay, balaaqo ama hadal deeqsiintiisuna ay ahayd mid soo jiidasho leh, ama wax fahamsiinta aad ugu fiicnaa.

Waxaana tusaale loo soo qaadan karaa kumanaan cajalado ah oo Soomaali badan oon waligood shiikha arkin ay hadana cilmiga tafsiirka ka barteen maqal ahaan cajaladdaasi, kuwaasoo ku taxnaa cajaladaha misaajidda laga shido.

Xertii sheikh Cumar Faaruuq wax ka bartey waxaa ka mid ahaa alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud oo 2021 ku geeriyooday magaalada Mogadishu, Sheikh Cumar Faaruuq waa sheekha kaliya ee tujiyey shan madaxweyne oo soomaaliya soo martey.

Burburkii ka dib

Ka dib burburkii dowladda waxa uu waday barnaamij ballaaran oo uu ka mid yahay midaynta culimada diinta ku abtirsada, mid mid ama xisbi xisbi ha ahaadeene.

Sheikh Cumar Faaruuq wuxuu ka mid ahaa ka mid ahaa qaban qaabiyaashii shirkii carta ee lagu soo dhisay dowladda wuxuuna ka mid noqday baarlamaantii xilligaa, wuxuu safari diin faafin ah u aaday meelo badan, burburkii ka dib wuxuu dhowr jeer ku soo laabtey dalka si uu bulshada u buraarujiyo isagoo maalmaha qaar in ka badan labo degmo muxaadarooyin ku qaban jirey.

Horraankii sagaashameeyadii ayuu sheekhu ka helay casuumad Jaaliyadaha Soomaalida ee dalalka Iskaandaneefiyaanka, gaar ahaanna dalka Sweden.

Jaaliyadda iyo Maraakista Dacwada ee Soomaalida ee dalka Sweden ayaa Sheekha dejiyey dalka Sweden, una sameeyey Iqaamadda dalka lagu joogo, muddo dhawr Sano ah ayuu Sheekhu daaci ka ahaa, dalka Sweden iyo dalalka Iskandaneefiyaanka, wuxuuna ka qabtay shaqo dacwadeeda oo aad u ballaaran raadkeeduna ilaa hadda uu sii muuqdo.

Waxyaabaha Sheekhu ka qabtay waxaa ka mida:

  1. Akhrinta Duruusta Cilmiga ah gaar ahaanna Tafsiirka Qur’aanka, Tawxiidka, Fiqhiga iyo Luqada, iyo dhammaan culuumta shareecada.
  2. Muxaadaraadka iyo Kelimaadka wacyigelinta Bulshada, gaar ahaanna Shirarka waaweyn oo sheekhu uu xiddig bidhaama ka ahaa waqti dheer.
  3. Midaynta qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaalida, iyo Ururada oo sheekhu uu had iyo jeer ku dadaali jirey in la mideeyo.
  4. Asaaska iyo isku dubbaridka Maraakista iyo Masaajidda
  5. Dhex dhexaadinta iyo Islaaxinta Qoyska iyo dhibaatooyinka Bulshada Qurbaha
  6. Fatwada iyo ka jawaabidda Su’aalaha ay bulshadu qabaan
  7. Booqashooyinka magaalooyinka iyo Tuulooyinka ay Bulshadu ku firiqsantahay iyo baraarujintooda.

Magaalada Oslo ee dalka Norway, waxaa ku yaalla Masjidka iyo Markaska Soomaalida ugu weyn ee Masjid Tawfiiq, iyadoo berigaa Soomaalidu dhawr meelood ku kala xeraysantahay, waxaa isu keenay oo Masjid Tawfiiq isugu keenay Sheekh Cumar Faaruuq, Allaha u Naxariistee iyo Sh. Mustafa Xaji Ismaaciil Haaruun, Allaha Dhawro.

Qoyskiisa

Sheikh Cumar Faaruuq aabihii waxaa la oran jirey Xaaji Cabdi Suldaan Xaaji Maxamuud, hooyadiina waxaa la oran jirey Caasho Sheekh axmed Guure, wuxuu guursaday sagaal xaas balse Sheekh Cumar Faaruuq markuu dhimanayey wuxuu ifka kaga tagay afar xaas iyo 15 caruur ah.

Geeridii Sheekha

Sheikh Cumar Faaruuq wuxuu in muddo ah uu la noolaa xanuunka macaanka ama sokorta sida uu sheegay wiilkiisa sheikh Maxamed, habeenkii ugu dambeeyey waxaa hoos u dhacday sokortiisa ka dibna maalintii goor barqo ah ayuu soo toosay ka dibna sare joogga ayuu ka dhacay, Maarso 8, 2011 ayuu ku geeriyooday magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga.

References:
https://somalitalk.com/
https://www.bbc.com/somali/


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply